Latest News

158 Markab Siday Badeecado Lagu Qiyaasay $105 Bilyan Oo Ka Weecday Badda Cas Iyo Konteenarka 40-ft Oo Lagu Qaadayo $10,000 Shanghai-London

London,December 23,2023(Haatufonline) – Qiimaha lagu kiraysto maraakiibta badeecadaha daabusha ayaa cirka isku shareeray ka dib markii uu xumaaday ammaankii Badda Cas weerarada is-dabada joog ah ee ay Xuuthiyiintu la beegsanayaan gaadiidka isticmaala marinkaas darteed.

Waxa haatan la xaqiijey in ilaa 158 markab oo siday badeecado qiimahooda lagu qiyaasay $105 bilyan laga leexiyey marinka Badda Cas si aan dhibaato usoo gaadhin,waxaana taas ka dhashay sicirkii lagu qaadi jiray xamuulka oo afar jibaarmay iyadoo Konteenarka 40-foot ah ee laga soo diro dekadda Shanghai ee Shiinaha uu maanta London ku gaadhayo $ 10,000 iyadoo todobaad ka hor lagu qaadi jiray $ 2,400.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*