Latest News

Waa Maxay Danta Ay Xuuthiyiintu Ka La leeyihiin Maraakiibta Ay Ku Weerarayaan Badda Cas

Haatufonline,December 25,2023.

Weerarada ay ku hayaan maraakiibta isticmaasha Badda Cas,Xuuthiyiintu waxay ku sheegeen qaar ay la beegsanayaan gaadiid kasta oo ku socda ama ka yimaada dekadaha dalka Israel taasoo ay ku tilmaameen inay ugu hiilinayaan dadka reer Falastiin ee ku nool Qaza ee ay ciidamada dawlada Israel duqaynta gumaadka ah u gaysanayaan tan iyo bishii Oktoobar ilaa waqtigan xaadirka ah.

Hasa yeeshee ma qarsoona in laba arimood ay Xuuthiyiintu ku kalifayaan carqaladaynta maraakiibta marta Badda Cas.Waa marka hore e weerarada ay ku qaadaan maraakiibta Israel laga leeyahay ama u kiraysanba waxay ka rabaan inay taageero kaga helaan gudaha Yeman iyo dadweynaha ku nool wadamada Carabta iyo Muslimkaba iyadoo la odhan karo in arintaasi ay hadda Xuuthiyiinta u hirgashay maa daama aanu ilaa hadda jirin dal Carbeed oo Falastiniyiinta dagaal ugu hiiliyey.
Arinta labaad waxay ku lug leedahay Iiraan oo Xuuthiyiinta ka caawisa dhinacyada maaliyadda, hubka,tababarka militari,isgaadhsiinta,shidaalka iyo waxyaabo kale.Dalka Iiraan ayaa doonaya in laga qaado cunaqabataynta culus ee curyaamisay dhaqaalihiisii waxaanay ogyihiin in dawladaha calamku dhaqaale ahaan u adkaysan karayn in marinka Badda Cas iyo Qooriga Suez ka xidhmo.Sidaas darteed mashaqada ay Xuuthiyiintu ka wadaan Baabal Mandeb waa mid ay ugu dananayaan dawladda Iiraan ee mudada dheer hiil iyo hooba la garab taagnayd.Habka ay arintaasi u dhacaysaana waxa wee in weerarada Xuuthiyiinta ee Badda Cas uu ka abuuranto xaalad ku khasabta dalalka reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka inay Iiraan la galaan gorgortan ah inay xakameeyaan Xuuthiyiinta oo ay joojiyaan weeraradooda ku jihaysan maraakiibta si Iiraanna looga dul qaado cumaqabataynta.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*