Latest News

Ahamiyadda Uu Marinka Baabul Mandab Ugu Fadhiyo Ganacsiga Dunida Iyo Loolanka Xasaradaha Xambaarsan

Haatufonline,October 12,2023

Waxa uu xeebta Djibouti kaga beeganyahay ku dhawaad 100 km oo dhinaca waqooyi bari ah, waxaana maalin kasta lasoo mariyaa badeecado qiimahooda lagu qiyaaso $6.4 milyaar.
Baabul Mandab oo ku yaala albaabka koonfureed ee Badda Cas waa marinka isku xidha ganacsiga caalamiga ah ee u kala goosha Badwaynta Hindiya,Gacanka Cadmeed,Badda Cas iyo Qooriga Suways(Suez Canal) ilaa Badda Mediterranean-ka, iyadoo maraakiibta badeecadaha sidda ee sanadkii marinkaasi ka gudubta lagu qiyaaso 17 kun oo markab. Waxa kale oo tusaale ahaan maalinkasta mara ugu yaraan 6.2 milyanoo foosto shidaal ah oo loo dhoofinayo dalalka Aasiya, Yurub iyo Maraykanka.

Marinka Baabul Mandab dherar ahaan wuxu gaadhaya ilaa 50 km hasa yeeshee labadiisa qar ayaa aad isugu dhaw oo meelaha qaar waxay isu jiraanba 3 km oo kaliya oo hadii markab weyni halkaas ku xumaado ama isku gudbo waxa xanibmaya isu socodka gaadiidka badda. Hadiiba u xidhmo Baabul Mandab waxay maraakiibtii badeecaadaha kasoo qaaadi jirtay Aasiya ee Yurub iyo Maraykanka gayn jirtay ama kuwii Maraykanka iyo Yurub ka iman jiray ay dhamaantood ku khasbanaanayaan inay kasoo wareegaan cidhifka ugu koonfureed ee qaaradda Afrika(Cape of Good Hope) taasoo ah masaafad dheer oo maraakiibta ku qaadanaysa waqti aad u farabadan inay gaadhaan dalalkii ay alaabta u sideen isla markaana uu karash badani fuulayo badeecadihii la kala iibsanayey.

Sidaas darteed waxay bulshada caalammka dani ugu jirtaa in marinkan istraatijiyad ahaan muhiimka laga dhawro qalalaasaha. Waliba si Baabul Mandab uga nabadgalo xasaradaha,waxa la gudboon dawladaha waawayn ee juqraafiyad ahaan ku yaala meelo aad uga fog mandaqadani ,inay joojiyaan loolanka ay ugu jiraan marinkan qiimaha wayn ugu fadhiya ganacsiga caalamka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*