Latest News

Israa’iil Oo Weerartay Suuriya

Dimishiq, October 12, 2023 (Haatufonline) – Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa maanta weeraray laba madaar oo ku kala yaala Caasimada Dimishiq iyo magaalada Xalab (Alepo) er dalka Suuriya.
Wararka laga helayo dalka Suuriya ayaa sheegaya inay istaagtay dhamaan shaqadii madaaradaasi.
Duqayntan ay qaadeen ciidamada Israel ayaa la sheegay inay timid ka hor socdaal la filayey inuu Suuriya ku tago Wasiirka Arimaha Dibada ee Iran.
Talaabadan ay qaaday Israa’iil ayaa keeni karta inuu balaadho dagaalka Israa’iil iyo Xamaas oo sababay xaalad addag oo ay ku sugan tahay xiligan Marika Qaza ee Falastiin oo ay ku dhinteen in ka badan 1,300 falastiiniyiin ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*