Latest News

Al-Shabaab Oo Gubtay Tuulooyin Ku Yaala Shabeellada Hoose

Ceelbaraf, September 10, 2023 (Haatufonline) – Kooxa Al-shabaab ayaa dab qabad siiysay oo gubtay tuulooyin dhowr ah oo kuyaala gobolka Shabeellada hoose, sida ay  sheegeen masuuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya.
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaaji Jaamac oo ka hadlay arrintaan ayaa  cambaareeyay dhacdadan, isagoo ku tilmaamay fal wuxuushnimo ah oo ay Alshabaab kula diririyaan nolasha aasaasiga ah ee dadka.
Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay tuulooyinka ay gubeen Alshabaab in ay kala yihiin: Daabaan, Guudweyn, Madax-maroodi, Ceel-baraf, Laamiloxshile, Showli-mareer, iyo Showli-afweyne oo ka kala tirsan Leego, Yaaqbiriweyne, iyo Goobaanle ee Gobolka Shabeellada hoose.
“Falalka noocaan ah oo ay argagixisadu ku caadeesteen Daadinta dhiigga Shacabka, burburinta guryahooda iyo maalkooda wuxuu caddeynayaa sida ay laga ma maarmaan utahay in dadka deegaanadaas dagan hubka qaataan iskana xoreeyaan cadowga aan u ogoleen wax nolol ah habayaraatee,” ayuu yiri wasiirku.
Cali Xaaji Jaamac ayaa shacabka kasoo jeeda deegaanada la dhibaateeyay ku baraarujiyay in ay iska dul qaadaan kooxda Alshabaab ee uu sheegay inay caadeeysteen dhibaateynta shacabka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*