Latest News

Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Ee Golaha Wakiilada Oo Fadhigoodii 6aad Yeeshay

Hargeysa, September 10, 2023 (Haatufonlune) – Guddida iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka ee Golaha Wakiilada, ayaa maanta fadhigoodii 6aad oo uu Shir gudoominayay Gudoomiyaha gudidaasi Xildhibaan Cabdinaasir Yuusuf Cismaan Qodax, waxa ay kulan xog warayasiya la yeesheen Xubno ka mid ah Komishineeradii hore ee doorashooyinka Somalinad.

Xubnaha gudida kulanka la qaatay ayaa waxa ay kala ahaayeen, 1. Ciise Yuusuf Xamari 2. Cabdifataax Ibraahin Sheekh 3. Cabdi Qaadir Iimaan Warsame 4. Kaltuun Sheekh Xasan iyo Cabdiraxmaan Dixood.

Kulankan oo ka qabsoomay maanta galinkii danbe xarunta Golaha Wakiilda qaatayna saacado badan ayaa lagu lafaguray sidii ay xeerarku u noqon lahaayeen kuwo inoo jideeya doorashooyin xor iyo xalaal ah iyo in aanay xeerarku mar danbe muran siyaasi ah aanay inoo jideenin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*