Latest News

Bangiga Somalia Oo Amar Ku Bixiyey In La Xayiro Lacagta 16ka Qof/Ganacsi Ee Maraykanku Dhawaan Cunaqabataynta Ku Soo Rogay

Muqdisho, March 16, 2024 (Haatufonline) – Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku amray bangiyada dalka Somalia inay xayiraan lacagaha 16 qof iyo shirkado ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda ee dalka Maraykanka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay lacago u ururiyaan kooxda Al-shabaab. Bangiga Dhexe ee Somalia ayaa Jimcihii faray bangiyada Somalia inay joojiyaan xidhiidhka ganacsi ee ay la lahaayeen, isla markaana ay xidhaan xisaabaadka ganacsi ee dadka la cunaqabateeyey si loo maareeyo khataraha maalgelinta argagixisada Alshabaab. Toddobaadkii hore, Hanti-dhowrka ayaa sheegtay in “shabakad ganacsi oo ballaadhan” ay qayb ka tahay lacag ururin caalami ah oo loogu talagalay kooxda xir
Xidhiidhka la leh al-Qaacida ee ka hawlgasha Soomaaliya.
Dawlada Maraykanka ayaa Alshabaab u aqoonsan koox argagixiso.
Hay’adaha la beegsaday waxaa ka mid ah Fintech Haleel Commodities  oo fadhigeedu yahay Dubai oo laamo iyo hoosaadyo ku leh Kenya, Soomaaliya, Uganda iyo Qubrus.
Qemat Al Najah General Trading oo fadhigeedu yahay Imaaraatka Carabta, kaas oo u shaqayn jiray “sida lacag dhaqida muhiimka ah ee shabakada,” iyo shirkad basaska Kenya ee crown bus oo dhinaca  zaadka ka taageerta al-Shabaab.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*