Latest News

Khatarta Ku Gedaaman Xuuthiyiinta Oo Tijaabiyey Gantaal Supersonic Ah Oo Ay Iyagu Samaysteen

Dubai March 18,2024( Haatufonline) – Warar laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Ruushka Novosti ayaa sheegaya in Xuithiyiinta Yaman ay ku guulaysteen tijaabada gantaal Supersonic ah oo ka dheereeya xawaaraha iftiinka.
Kooxdan oo ay Iran si wayn uga taageerto dhinaca militariga iyo dhaqaalahaba ayaa dabayaaqadii sanadkii hore bilwoday weeraro ay la beegsanayso maraakiibta isticmaasha Badda Cas.
Maxamed Al-Xuuthi oo ay walaalo yihiin hogaamiyaha kooxda ee Cabdulmalik ayaa dhawaan sheegay in kooxdiisu ay diyaar u tahay sidii ay wax ula qabsan lahaayeen dalalka Ruushka iyo Shiinaha.
Gantaalkan cusub ee ridada dheer ayaa waxa u farsamo ahaan ku salaysanyahay oo laga dheegtay gantaalka Iran ee Fattah-2 hypersonic.
Hasayeeshee waxa laga shakisanyahay in Ruushku uu Xuuthiyiinta gacan gacan ka siinayo farsamooyinka ay hubkan casriga ah ku samaysanayaan iyadoo ay ku xumaynayaan reer Galbeedka oo ay is hayaan.Waxaana tuhunkaasi sii siyaadiyey sida ay warbaahinta Ruushku ay baryahan dambe u buunbuuninayso wararka Xuuthiyiinta.
Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdulmalik ayaa todobaadkii hore ku celceliyey inay dhawaan soo bandhigi doonaan wax aduunka ka yaabiya.
Hadii ay arintani dhabawodo waxay khatarteedu saamayn ku yeelan doonta nabadgelyada gobolka waxaanay sii hurin doontaa qalalaasaha ka taagan Badda Cas .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*