Latest News

Cunto Yaraan Kusoo Fool Leh Bariga Afrika Iyo Asia Hadii Weerarada Xuuthiyiinta Ee Badda Cas Sii Socddaan

Haatufonline,January 18,2024
Badda Cas holac ayaa ka taagan.Xuuthiyiinta Yaman way dhaarsanyihiin inay sii wadaan weerarada ay la beegsanayaan marakiibta isticmaasha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Dawladaha waaween ee reer Galbeedka oo uu Maraykanku horkacayaana waxa ka go’an inay burburiyaan awoodaha milatari ee ay Xuuthiyiintu ku weerarayaan marakiibta xamuulka badeecadaha iyo waliba maraakiibta ciidamada badda ee dawladaha reer Galbeedka ee ku sugan biyahaasi.

Hadda maraakiibtii ganacsiga badankoodii waxay joojiyeen isticmaalkii Badda Cas waxaanay kasoo wareegaan Koonfur Afrika cidhifkeeda ugu hooseeya.Waxa ka mid ah maraakiibtii wax usoo qaadi jirtay dalalka Geeska iyo Bariga Afrika iyo dalalka koonfur iyo koonfur bari ee Asia ee qamadiga,galayda iyo cuntada kale ka keeni jirtay Ruushka,Ukreen iyo Yurubta kale.Maraakiibtaasi awal waxay kasoo dusi jireen Qooriga Suways waxaanay Afrika iyo Asiya kusoo gaadhi jireen 14 cisho.Hadda seh markay koonfur Afrika kasoo wareegaan waxay ku qaadanaysaa 34 cisho iyadoo korodhka kharashka shidaalku uu aakhirka dul fuuli doono dadka raashinka iibsanaya.Hadii weerarada Xuuthiyiintu sii socdaan waxa hubaal ah in cunto yaraan baaxad lehi ka dhici doonto Geeska, Afrikada Bari iyo Asia.
Hadaba waxa la yaab leh dalka weyn ee Shiinaha oo Arabikhida ugu farabadan ka iibsada Ukreen iyo Ruushka oo aan xilba iska saarin mashaqada ka taagan Badda Cas.Dabcan Shiinaha awooddiisa dhaqaale ayaa u saamaxaysa inuu cuntada meesha u doono kasoo iibsado.Laakiin waxa la filayey inuu sidii dawlad weyn u dhaqmo oo uu wax ka qabto amni darada ka taagan Badda Cas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*