Latest News

Madaxweyne Biixi Oo Raacay Dalabkii Guirtida Oo Sharcigii Wakiiladu Ogolaadeen Ku Celiyey Baarlamanka

Hargeysa,January 21,2024(Haatufonline) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sharcigii doorashada madaxtooyada iyo ururada ku celiyey Baarlamanka.Sharcigan ayaa ka din markii uu Golaha Wakiiladu ansixiyey u gudbay aqalka saree Guirtida halkaas oo lagaga saaray dhawr qodob oo nuxurka sharciga taabanayn balse ay qaryaqaanada Guirtidu u arkeen inay distoorka jabinayaan .Hasayeeshee Golaha Wakiilada ayaa dib ugu soo daray qodobadii ay Guurtidu ka saartay cod aqlabiyad ahna ku ogolaaday dabeetana sidaas ugu gubiyey madaxweynaha iyadoo aanay Guurtida ogaysiin.

Hadaba Golaha Guurtida ayaa todobaadkan madaxweynaha ka dalbaday in sharcigaa dib loogu soo celiyo Baarlamanka iyadoo distooriyan uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu gudoomiyo shirgudoonka labada aqal baarlamaan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*