Latest News

Dawlada Somalia Oo Sheegtay In Tiradii Ugu Badnay Ee Al-Shabaab Ay Isa Soo Dhiibtay

Muqdisho, September 8, 2023 (Haatufonline) – Dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay in tiradii ugu badneyd oo ka tirsan kooxda Al-shabaab iney isku soo dhiibeen ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Agaasimaha xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee Tubsan Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay si aad ah u kordheen xubnaha Shabaab ee isku soo dhiibaya dowladda.

Agaasime Cabdulllaahi Maxamed Nuur ayaa sidoo kale xusay in xubnaha Al-shabaab kasoo goostay ee isku soo dhiibay gacanta dowladda ay tiradooda gaareyso 107 xubnood oo isugu jira horjoogayaal iyo maleeshiyaad.

“Xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirka ah waxay bulshada Soomaaliyeed ku wargelineysaa inay isku soo dhiibeen bilihii July iyo August isa soo dhiibayaal gaaraya 107 xubnood oo horay uga tirsanaa kooxaha Khawaarijta, kana tanaasulay kamid ahaanshihii kooxdaas ” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Wuxu sidoo kale sheegay Agaasimaha xarunta Qaran ee ka hortaga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee Tubsan in xubnahaan iska soo dhiibeen meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin deegaanada maamulada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur galbeed iyo Jubbaland.

“Dhammaan dadka isa soo dhiibay waxay mari doonaan habraaca uu qorayo xeerka isa soo dhiibayaasha ee kasoo baxay fikradaha xagjirka ah, waxaa muuqata in bilihii lasoo dhaafay uu aad u kordhay Numberka isa soo dhiibayaasha, weliba heerarka sar sare oo aan ula jeedo horjoogayaasha kooxda” ayuu yidhi Agaasimuhu.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*