Latest News

Dawladaha Waawayni Waa Ku Heshiis La Dagaalanka Budhacad Badeedda Laakiin Waa Ka Raali Biliiliqaysiga Khayraadka Badaha Dalalka Yaryar

Haatufonline,October 25,2023.

Alla gacan fududaa dawladaha waawayn ee caalamka ka jiraa sida Shiinaha,Maraykanka iyo Midowga Yurub markay la dagaalamayaan budhcad badeeda laakiin tamar yaraa oo marmarsiiyo badana markay ka indho qarsanayaan biliiliqaysiga ay maraakiibtoodu ku hayaan kaluunka iyo khayraadka kale ee ku jira badaha dalalka yar yar.

Ilaa hadda dawladaha waawayni waxay Qaramada Midoobay marsadeen in ku dhaw 20 xeer oo caalamiya oo budhacad badeednimada ka dhigaya xaaraan maqdac ah oo ay waajibtahay in lala dagaaalamo .Qaar ka mid ah xeerarkaasi waxay dawladaha fasax u siinayaan inay badhcad badeeda baacsan karaan ilaa gudaha xuduuda badeed ee dalalka kale. Dabcan dawladaha yar yari ma laha awood ku filan oo ay kula dagaalamaan budhcad badeeda. Kolkaa dawladaha loo jeedoo inay qaadaan dagaalka ka dhanka ah budhcad badeedu waa kuwa waawayn ee awoodda leh ee markoodii horeba iyagu xeerarkan dabada ka riixayey ka dib markii ay falalkii budhcadnimadu ay khalkhal galiyeen amaankii gaadiidka badda iyo isu gudubkii badeecadaha taasoo khasaare wayn ku keentay gancasigii u dhaxeeyey dawladaha waawayn iyo kii ay la lahaayeen dunida inteeda kaleba.

Si loo jideeyo sharcinimada la dagaalanka budhcad badeedda, xeerarka aan kor ku sheegnay waxay budhcadbadeednimada ku tilmaameen faldambiyeed khatar galinaya amaanka marinada badda ee caalamiga ah (international maritime security). IIaa hadda seh ma jiraan xeerar caalamiya oo si cad u qeexaya in biliiliqaysiga khayraadka baddu yahay fal dambiyeed wax u dhimi kara ammaanka caalamka sababto ah cidda biyaheeda badda la biliiliqaystaa waa dawladaha yar yar cidda khayraadka badooda boobaysaana waa shirkado iyo maraakiib ay leeyihiin dawladaha hore u maray.

Shaki kuma jiro in budhcadnimeednimadu tahay dambi xun isla markaana ay saamayso dalalka saboolka ah qudhidooda xag nabadgelyo iyo xag dhaqaaleeba. Hasa yeeshee waxa aan meesha qaban cadaalad darada ah in dawladaha hodanka ihii ay xeerarka aduunka( international laws) ka dhigaan la jiifayaana banaan la joojiyaana banaan oo marka ay maslaxdi ugu jirtana la soo saaro xeerar shaqeeya oo ay iyagu mideeda daabkeeda hayaan balse aanay taageerin ( hadii aanay ka horimanba) abaabulka iyo ansixinta wax xeerar ah oo lagu sugayo xuquuqda dalalka saboolka ah kol hadii iyaga dawladahaas qaniga ah aan dani ugu jirin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*