Latest News

Liverpool Oo 2-0 Ku Garaacday Everton

kooxda Kubadda Cagta ee Liverpool ayaa Galabta Gurigeeda Ayey Guul Kaga Gaadhay Everton kadib markii laba Gool Mid rikoodhe yahay midna gool uu shabaqa si qurux badan usoo taabtay uu u dhalay ciyaaryahanka Reer Masar ee Maxamed Saalax.

Liverpool ayaa ku fariisatay kaalinta 1aad ee miiska kala sareynta horyaalka Premier League ka dib markii ay 2-0 ku dubteen kooxda Everton oo 10 ciyaaryahan ku ciyaarayay ka dib casaan uu qeybtii hore ka qaatay Ashley Young.

Reds waxay 20 dhibcood ka wadaagaan kooxaha Tottenham iyo Arsenal laakiin waxay hogaanka ku hayaan farqiga goolasha oo ay ka sareeyaan labada kooxoodba.

Taageerayaasha Liverpool ayaa sidoo kale la arkayey iyagoo sita calanka Falastiin oo ay taageero u muujinayeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*