Latest News

Dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable Oo Fadhistay Wasiiradda Duulista Ee Lilkase,Xawaadle,Abgaal Iyo Sacad

Muqdisho,February 19,2024(Haatufonline) – Cidda xoog loo tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen shirqoolkii lagu dilay Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan Dahable ayaa waxa ka mid ah wasiiradda Duulista Somalia Fardowsa Cismaan Cigaal(Lilkase),maareeyaha guud ee Hayadda Duulista Axmed Macalin Xasan(Xawaadle) nin Xawaadle ah oo ay marxuumka u wada shaqayn jireen Hayadda Duulista gurigana ku wada jireen,farsamo yaqaan Sacad ah oo bakhtiiyey keemarooyinkii guriga dilku ka dhacay ku xidhnaa.
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh oo kusoo hungoobay Shirkii Madaxda Afriki ku lahaayeen Addis Ababa ayaa markii uu Muqisho kusoo laabtay 17/2/2024 wuxu u yeedhay wasiirka Duulista Fardowsa iyo maareeyaha hayadda Duulista Madaniga ah Axmad Macalin waxaanu si adag ugu canaantay oo uu u sheegay in Somaliland kaga guulaysatay dhinaca la xidhiidhka diyaaradaha iyo hagistooda oo ay taasi fadeexad ku noqotay dawladdi Somalia.
Kulankaa maalintii ku xigtay ayaa maydkii Cabdinaasir Muuse Cabdiraxmaan Dahable laga helay gurigii uu Xamar ka deganaa oo ku yaala xayndaabka madaarka Muqdisho.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*