Latest News

Sababaha Somaliland Looga Hirgalin Karo Saldhig Ganacsi Oo Laga Cirbixiyo Satelaaydyada

Lighting up the night sky, as well as the water nearby, spacship blazes into the moon mission. Huge moon is on the night sky surrounding by galaxy. Elements of this image furnished by NASA.

Haatufonline,February 17,2024.

Caalamkii wuxu usoo jeestay xaggi hawada sare(Outerspace).Waqtiyadii hore cidda kaliya ee lahayad goobo hawada sare wax looga diraa (Spaceport)waxay ahaayeen dawladaha waawayn,gaar ahaan Maraykanka,Ruushka iyo Yurubta Galbeed inkastoo markii dambe ay dawlado kale oo Shiinuhu ka mid yahay ay kusoo biireen.
Maanta seh horumarka teknaloojiyadda laga gaadhay darteed waxa jabay qiimihii satelaaydyada loogu diri jiray hawada sare waxaan hawshii soo galay shirkado ganacsi halka waagii hore ay arintani ku koobnayd dawladaha.
Afriki tartanka cirka way ka hadhay oo kuma taalo goob kaliya oo laga diro satelaaydyada.
Tobonaanka kun ee Satelaayd ee cirka sare wareegaya dalalka Afrika waxay ku leeyhiin 55 kaliya.
Hadaba dhawr sababood oo aanu hoos ku sharxi doonno la ajligood dalka Somaliland ayaa ku haboon in laga hirgaliyo saldhig ganacsi oo laga cirbixiyo Satelaaydyada iyo gantaalahaba.
1.Waxay ku taalaa meel ku dhaw khadka Equater-ka 2.Somaliland kuma jirto dalalka saxeexay heshiiska dunida ee ku saabsan adeegsiga hawada sare:
3.Maa daama aanay ka mid ahayn dalalka saxeexay heshiiska dunida ee ku saabsan adeegsiga hawad sare ma jiro xeer caalamiya oo u diidaya in saldhigga ganacsi ee laga hirgaliyo loo adeegsado gantaalaha lagu tijaabiyo hawada sare taasoo aanay dawladaha qaar ka hirgalin karin dhulkooda oo xeerka hawada sare ee ay saxeexeen iska hortaagayo.
Djibouti oo ay jaaryihiin Somaliland ayaa noqonaysa dalkii ugu horeeyey Afrika ee laga hirgaliyo saldhig ganacsi oo hawada sare u dira Satelaaydyada iyadoo fulinta arintaasi ay Djibouti heshiis sodon sano ah kula gaadhay shirkad Shiine ah horaantii 2023.Mashruucan oo ku kacaya hal bilyan oo doolar ayaa waxa laga hirgalinaya Obox.Djibouti lafteeda ayaa ku dhaw Equater-ka isla markaana aan ka mid ahayn dalalka saxeexay xeerka hawada sare taasoo ay Shiinuhu ku doorteen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*