Latest News

Dunida Muslimka Ah Oo Si Adag U Cambaaraysay Weerarka Israa’iil Ku Qaaday Cusbitaalka Al-Ahli

Qaza, October 17, 2023 (Haatufonline) – Masiibadii Ugu Darnay ee ka dhacday marinka Qaza kadib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay duqeeyeen Cisbitaalka Al-Ahli oo keentay.
dhimashada 500 qof, ayaa waxa si adag u cambaareeyey dunida Muslimka ah.
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku baaqay in talaabo degdeg ah la qaado, halka dawlada Masar ayaa si ba’an u cambaaraysay weerarkan waxaanay ku tilmaantay “dil wadareed” ka dhan ah reer Qaza.
Sidoo kale Iran iyo Jordan ayaa si adag u cambaareeyey weerarkan Israel.
Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa sheegay inuu joojiyey gabi ahaanba kulan uu la yeelan lahaa Madaxweynaha Maraykanka oo booqasho ku imanaya gobolka maalinta bari.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*