Latest News

Jabuuti Oo Ku Biirtay Dalalka Ka Horyimid Damaca Ethiopia Ee Badda Cas

Djibouti, October 19, 2023 (Haatufonline) – Dalka Jabuuti ayaa ku biiray dalalka Eritrea, Somaliland iyo Somalia oo si adag u diiday damaca Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ahaa in dalkiisu uu doonayo inuu si toos ah u helo deked ku taal Badda Cas, taasoo ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka.
Alexis Maxamed, oo ah la taliyaha sare ee madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu yahay dal Madaxbaan oo aan su’aal la galin kari  madaxbanaanida sharaftiisa dhuleed “Labadayada dal  had iyo jeer waxaanu sii wadnaa xidhiidhka saaxiibtinimo ee naga dhexeeya,” ayuu yidhi Alexis Maxamed, oo ah la taliyaha sare ee madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Laakiin sidoo kale waa inaad ogaataa in Jabuuti ay tahay dal madax banaan, sidaas darteed, midnimada dhulkeena maaha mid la is waydiin karo, maanta iyo berri toona.
Sidoo kale dalalka Somaliland, Eritrea iyo Somalia ayaa iyaguna si adag gaashaanka ugu dhuftay damaca Raysal Wasaaraha Ethiopia ee ah inuu deked ka helo badda cas.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*