Latest News

Geeska Afrika : Tahriibta Ugu Qaalisan Ee Hadana Dhimashada Badan.

Haatufonline,October 9,2023

Iyadoo ay isku dayayaan inay u haajiraan dalalka Yurub ee hodanka ah,ayaa waxay kasoo hayaamaan wadamo ku kala yaala Geeska Afrika,Galbeedka Afrika iyo Bariga Dhexe, waxaanay dhib iyo silic kadib kusoo qulqulaan dalka Libya oo ay kasoo galaan sadex jiho oo kala duwan iyagoo damacsan inay xeebaha dalkaasi ka raacaan laashaash macmal ah oo ay kaga talaabaan Bada Cad ee Mediterranean-ka si ay u gaadhaan dhulka Talyaaniga oo ay dabeeto uga sii gudbaan dhinaca dalalka kalee ku yaala gayiga Yurub ee ka qanisan Talyaaniga.

Si ay ujeedadooda u meelmariyaan waxay muhaajiriintaasi miciinsadaan kooxo arxan daran oo ka shaqaysta tahriibta dadka oo koox waliba leedahay Abbaan (ama “Magafe” oo ah siday Soomaalidu u taqaano ) u gaar ah kuwaasoo isu dhiib dhiiba muhaajiriinta ilaa ay gaadhayaan kana baxayaan xeebaha Libya. Waa dariiq dheer oo ay markasta dad badani ku naf waayaan.
Muhaajiriinta nolol ku gaadha Libya waxay dalkaasi soo galaan iyadoo ay magafeyaashu soo silciyeen laakiin balambalkooda iyo rafaadkooda ugu darani wuxu u bilaabmaa marka ay tagaan xeebaha laga raaco doonyaha yar yar ee lagaga talaabo jidka halista badan ee Badda Mediterranean-ka iyadoo ay muhaajiriintu ay kooxaha Libiyaanka kala kulmaan dhibaatooyin ay ka midyihiin qafaalasho iyo xadhig madax furasho ah,jidh-dil,kufsi iyo khataro kale oo kala duwan.
Sida lagu sheegay baadhis ay samaysay hayadda “Global Initiative” ,kharashka ugu badan ee lagu bixiyo tahriibta qofka waxa laga qaadaa dadka ka tahriiba mandaqadda Geeska Afrika isla markaana dadka ku qaraqma talowga badda mediterranean-kana waxa markasta aad uga muuqda muhaajiriin markoodii hore ka yimid Eritrea,Somalia,Ethiopia,Sudan iyo Koonfurta Sudan .(Djibouti iyadu wali way ka bedqabtaa mushkiladdan tahriibta iyo magafeyaashaba).
Hadaba dhalinyarada iyo waalidkooda ku hamiyaya tahriibtu bal marka hore ha isweydiiyaan in khataraha iyo saymaha intaas leeg ay istaahisho in loo badheedho oo naf iyo maalba lagu waayo.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*