Latest News

Dhimashada Israa’iiliyiinta Oo Kor U Dhaaftay 600 Qof

Gaza, October 8, 2023 (Haatufonline) – Wararkii u dambeeyey ee Dagaalka Israaiil iyo Falastiiniyiinta ayaa sheegaya in dagaalkaasi ay ku dhinteen 600 Israa’iiliyiin ah iyo 2000 dhaawac ah kadib dagaal la yaab leh oo Xamaas ku qaaday.
Israa’iil ayaa ku dhawaaqday “xaalad dagaal” iyadoo ciidamadeedu ay sii wadaan iska hor imaadyada ka dhanka ah dagaalyahanada Falastiiniyiinta ee ku sugan deegaano dhowr ah oo ku yaala koonfurta Israel.

Tani waxay ku soo beegantay maalin uun ka dib markii weerar lama filaan ah ay ku qaadeen guutada al-Qassam, garabka hubaysan ee Xamaas, kooxda Falastiiniyiinta ee maamusha marinka Qaza.

Axadii maanta, kooxda hubaysan ee Lubnaan ee Xisbullah ayaa sheegtay in ay weeraro hoobiye ah ku qaadeen Shebaa ee la haysto iyaga oo garabsanaya Xamaas;

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*