Latest News

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Si Adag Uga Fal-celiyey Xildhibaanada Somalia Ee Yimid Laascaanood

Hargeysa, September 15, 2023 (Haatufonline) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabo ay xuduudaheeda ku sugayso.
Hadalkan ka soi yeeshay Faysal Cali Waraabe ayaa yimid kadib wafti iskugu jira wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya oo socdaal 2 cisho ah ku tagay Laascaanood.
“Waftiga Muqdisho ka yimid ee Laascaanood tagay waxba ka badali maayaan xuduudaha caalamiga ah ee Somaliland, riwaayada iyo farxada badanina waxay isku badali doontaa ilin iyo murugo” ayuu yidhi Faysal.
Guddoomiyaha oo hadalkan ku baahiyay bartiisa Twitterka, ayaa sheegay in Somaliland ay dhawaan sugi doonto amaanka xuduudaheeda.
“Somaliland dhawaan way iska saari doonta kuwa soo duulay ee naxariis laaweyaasha ah, waxayna sugi doontaa amaanka dhamaan xuduudaheeda inshallah” ayuu yidhi Faysal.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*