Latest News

Maxkamada Ciidamada Soomaaliya Oo Xukun Ku Riday Laba Nin Oo Al-Shabaab Ka Tirsan

Muqdisho, September 14, 2023 (Haatufonline) – Maxkamadda ciidamada Soomaaliya ayaa 15 sano oo xabsi ah ku ridday labo nin oo ka tirsan ururka kooxda Al-shabaab.
Axmed Xasan Baariyow iyo Aadan Maxamed  Qoslaaye, ayaa Alshabab ku kala biiray 2012 iyo 2020-kii.
Ragan xukunka lagu riday maanta ayay Xeer-ilaalinta maxkamadda Soomaaliya waxay sheegtay in ay ahaayeen basaasiin soo hubiyo dilalka iyo weerarada ka dhaca Muqdisho illaa iyo Ceelasha.
Labadaan nin ayaa kamid ahaa dadka isticmaala waxyaabaha maanka dooriyaha sida Xashiishada.
Axmed Xasan Baariyow oo shaqadan soo hayay muddo 10 sano ah ayaa xeer ilaalinta maxkamaddu sheegtay inuu Qoslaaye ku qanciyay inuu la qabto shaqadan.
Hay’adaha sirdoonka ee dowladda ayaa hore u sheegay in Alshabaab ay adeegsadaan dadka maandooriyaha isticmaala, iyagoo uga faai’daysanaya daruufaha ay ku sugan yihiin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*