Latest News

Iran Oo Ugu Hanjabtay Israel Inay La Kulmi Doonto Dhulgariir, Hadii Dagaalku Ku Fido Bariga Dhexe

Beirut, October 14, 2013 (Haatufonline) – Wasiirka arrimaha dibadda Iran ayaa Sabtidii maanta ugu baaqay Israa’iil inay joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza, isagoo ka digay in dagaalku ku fido qaybaha kale ee Bariga Dhexe haddii Xisbullah ay ku soo biirto dagaalka, taasina ay Israa’iil ku ku keeni doonto  “dhul gariir weyn. ”
Hossein Amirabdollahian ayaa oo warbaahinta kula hadlay Beirut ayaa sheegay in kooxda Xisbullah ee Lubnaan ay tixgalisay dhammaan xaaladaha dagaal, Israelna ay tahay inay sida ugu dhaqsaha badan u joojiso weerarrada ay ku hayso Gaza.
Israel ayaa u aragta Hezbollah khatarta degdega ah ee ugu daran, iyada oo ku qiyaastay in ay haysato ilaa 150,000 oo gantaal, oo ay ku jiraan gantaalada duqayn kara meel kasta oo Israa’iil ah.
Sidoo kale Kooxda, oo haysata kumanaan dagaalyahano adag, kuwaas oo ka qaybqaatay dagaalka Suuriya ee 12-ka sano jirsaday, ayaa sidoo kale leh noocyo kala duwan oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee militariga.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*