Latest News

Madaxweynaha Somaliland oo Daah-furay Shirweynaha 2aad ee Madasha Dhaqaalaha dalka

Hargeysa, October 14, 2023 (Haatufonline) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u daah-furay shirweynaha labaad ee madasha dhaqaalaha heer qaran oo maanta ka bilaabmay magaalada Hargeysa.

Shirweynahan oo ujeeddadiisu ahayd sidii talooyin dhaxal-gal ah oo wax ka tara caqabadaha dhaqaale ee dalka ka jira loo soo saari lahaa, islamarkaana lagu marti qaaday khubaro dhaqaale, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah golaha wasiirrada, agaasimeyaal ka socday hay’adaha kala duwan ee dalka, khubaro dhaqaalaha ku xeel dheer, diblomaasiyiin iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana lagu lafo guray sidii dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa.

Ugu horrayn, Barkhad Xasan Abiib oo ku hadlay magaca guddida qabanqaabada shirka madasha dhaqaalaha, ayaa si qoto dheer u sharraxay waxyaabaha shirka lagaga hadli doono muddada uu socdo, waxana uu hoosta ka xarriiqay in lagu weelayn doono talooyinka aqoonyahanku soo jeediyaan muddada uu shirku socdo, islamarkaana si rasmi ah loo hawlgelin doono soo jeedimaha shirka kasoo baxa.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Axmed Aadan Buuxane oo halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay waxyaabaha muhiimka ah ee shirka lagu falanqayn doono, isaga oo xusay muhiimad gaar ah la siin doono arrimaha la xidhiidha wax soo saarka dalka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ayaa isaguna sheegay in waqti dheer la gelin doono sidii uu shirka uga soo bixi lahaa maxsuul qaranku ka faa’iido, meeshana ka saara caqabada dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka taagan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo daah-furka shirka ka hadlay, ayaa ugu horrayn bogaadiyey shirweynaha madasha lagu gorfaynayo dhaqaalaha dalka, kuna tilmaamay mid laga sugayo inay kasoo baxdo natiijo bulshada wax u tari karta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo madasha ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa si gaar ah hadalkiisa diiradda ugu saaray qarannimada iyo difaaca qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu sheegay inay Somaliland leedahay cadow kala duwan oo ku midaysan burburinteeda, balse ay tahay qaran leh xuduud sugan oo ay dalalka Afrika ictiraafsan yihiin, waxana uu yidhi,“Cadow badan oo kala ujeeddooyin ah oo ku midaysan burburinta Somaliland, ayaa dalka isu soo bahaystay, dalkana waxa la geliyey xaalad dagaal, sidaa darteed Maanta mudnaantu waxay noqonaysaa in loo midoobo difaaca dalka, qaranka Somaliland-na waa kii ay xuduudihiisa ka tageen ee ay sameeyeen isticmaarkii Afrika oo dhan joogay oo aynu kala simannahay dhammaan 54-ta dawladood ee reer Afrika, waayo xuduuddeena waxa si cad u qeexaya Axdiga midowga Afrika.”

Madaxweynuhu waxa uu intaas ku daray inay Somaliland tahay dal xaq u leh in la maalgashado, muddo dheerna soo hayey jid cad oo uu ku higsanayo himiladiisa fog,“Somaliland waa qaran dhammaystirin oo xuduudihiisu sugan yihiin oo khilaafeedkeeda hab ay ku xallisa waayo arag u ah oo sharciga ku dhaqanta oo u koraysa inay dawlad adag, la maalgashan karo, hufan oo la icitaafi karo oo lala degi karo ah ayeynu waddadeeda soddon sanno soo haynay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu digniin u diray maamulka Puntland oo gardarro joogto ah ku haya xuduudaha bari ee qaranka, waxana uu caddeeyey inaanay marnaba hirgeli doonin rabitaanka maamulkaasi ku kala dhantaalayo Somaliland, waxana uu yidhi,“Maamulka Puntland oo aad ugu fadallo dheer inuu Somaliland hab beelaysan dhul kaga qaato waxan leeyahay waynu is hurranahay inay Somaliland dhul ka qaadi karto iyo in kale, waxa lamid ah xildhibaanno Kenya ah oo wax la qaybsada siddeetan quruumood oo kala Diin iyo kala Af ah, haddana dab ka dhex shidaya Somaliland.”

Madaxweynuhu waxa uu shacabka reer Somaliland ku hambayeeyey sida aan kala hadhka lahayn ee ay u garab taagan yihiin ciidamada qaranka ee difaaca dalka ku hawllan, isaga oo ciidamadana ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay dalkooda iyo dadkoodaba nafta ugu hurayaan.

Ugu dambayntii, waxa uu madaxweynuhu xadhigga ka jaray caro-ganacsiyeed laga hirgeliyey isla goobta uu shirkani ka socday, taas oo ay ganacsatada kala duwan ee dalka iyo hay’adaha dawladdu kusoo bandhigeen adeegyada ay bulshada u hayaan iyo wax soo saarka kala duwan ee dalka gudihiisa kasoo baxa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*