Latest News

Manchester United Oo 1-0 Kaga Badisay Fulham

Londan, November 4, 2023 (Haatufonline) – Kooxda Manchester United ayaa garoonka Fulham ee Craven Cottage ee Magaalada London ugu awood sheegatay hal gool iyo waxba ay ku badisay Man United.
Laacibka Manchester United ee B. Fernandes ayaa shabaqa Fulham ku hubsaday goolka guusha daqiiqadii 90aad.
Waxaanay Man United ay halkaasi ku hanatay saddex dhibcood oo muhiim ah oo ay kasoo qaateen Fulham oo ay ku booqdeen magaalada London.
Qalad ay sameeyeen difaacyahannada Fulham oo saddex jeer kubbado ay laadeen u dhiibay ciyaartooyo hortooda taagnaa, ayaa waxa ugu dambayntii uu darbad xooggan ku celiyey Bruno Fernandes oo ku hubsaday shabaqa uu waardiyaha ka ahaa Bernd Leno.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*