Latest News

Maxaad Ka Ogtahay Harada Lake Asal Ee Daawashadeedu Neefta Kaa Qabanayso.

Haatufonline,October 15,2023.

Madaxwanaha Djibouti Ismaaciiil Cumar Geelleh oo ka hadlay munaasabad dabayaaqadi bishi hore lagu soo bandhigayey fikrado ay dhalinyaro reer Djibouti ahi ku hindiseen mashaariic yar yar oo qaab ganacsi leh oo ku salaysan teknoloojiyadda casriga ah (Start up) ayaa waxa uu xusay in dalkiisa ay ka jiraan fursado lagu kobcin karo dalxiiska maa daama ay Djibouti leedahay goobo kala duwan oo dalxiiska ku fiican oo laga abuuri karo shaqooyin iyo dhaqaale dalka soo gaala.

Dalxiisku wu noocyo badanyahay. Matalan dad baa iyagu daneey inay xeebaha lagu dabaasho nasasho iyo raaxo u tagaan.
(Dabcan Djibouti way leedahay xeebo dhaadheer oo aad u qurux badan oo leh ciid cad oo nadiif). Waxa seh jira dalxiiseyaal badan oo iyagu xiiseeya inay soo arkaan meelaha dunida ugu cajiibsan halka qaar kalena ay jecelyihiin inay wax kasoo bartaan dhaqamada bulshooyinka aanay hore u arag ee ku nool dalalka ay booqanayaan.

Hadaba meelaha la yaabka leh ee dalxiiska soo jiita ee Djibouti ku yaala waxa ka mid ah Harada Asal ee oo magaalada Djibouti kaga beegan 120 km oo dhinaca galbeedka ah. Haradan oo ku taala gobolka Tadjoura ayaa quruxdeeda neefta kaa qabanaysa ka sakow,waxay tahay meesha Afrika dhul ahaan ugu hoosaysa iyadoo jooga badda hoos martaa 155 mitir ,marka aduunka loo eegana waxa ka hooseeya oo kaliya 2 meelood oo ku kala yaala Urdun iyo Falastiin. Arinta kale ee ay Haradani cajiibka ku tahay waa biyaheeda dhanaan dhaafay ee 35% milixda ka kooban taasoo ka dhigtay goobta laga qodo milixda ugu caansan Geeska Afrika ee la iib geeyo.

Uumi baxa biyahaasi milixda leh ee ka dhasha kulaylka qoraxda ayaa waxa uu biyaha Harada ku dul sameeyaa lakabyo la moodo barafkii Yurub ee cirka kasoo da’i jiray halka biyaha hoostooduna yeeshaan dhalaal sidii qaanso-robaadka ka kooban midabyo is-galaya oo kala nooc nooc ah taasoo ay ka abuurmaan muuqaalo leh bilic aad u oo cajiib ah oo aanay jirin meel kale oo aduunka ka mid ah oo quruxdooda Harada Asal la wadaagta .Waa sababta ay hayadda Qaramada Midoobay u qaabilsan Dhaqanka ee UNESCO ay Harada Asal ugu dartay goobaha duunida ka jira ee ay u aqoonsantahay dhaxal aadamaha ka dhaxeeya. Ku darsoo diraasado laga sameeyey biyaha Lake Asal ayaa waxa lagu sheegay inay ku jiraan macadano ay ka mid yihiin Magnesium,Calcium,iyo Sulphates oo hadii jidhka la mariyo wax ka tari kara qaar ka mid ah cudurada maqaarka iyo xanuunka seedaha (muscle pain) iyo lafaha( rheumatoid arthritis).

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*