Latest News

Mikel Arteta Oo Sharraxay Sababta Uu U Fadhiisiyey Martin Odegaard

Tababaraha kooxda kubadda cagta Arsenal ee Martin Odegaard ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta uu u fadhiisiyey kabtanka kooxdiisa ee Martin Odegaard kulanka horyaalka Premier League ee Sheffield United.

Odegaard oo bandhig fiican samaynayay xilli-ciyaareedakn ayaa waxa uu Mikel Arteta u diray kaydka, waxaana uu ka doorbiday Smith Rowe oo May 2022 ay ugu dambaysay inuu kusoo bilowdo ciyaar Premier League.

Arsenal oo sidoo kale ay dhaawacyo kaga maqan yihiin Gabriel Jesus iyo Thomas Partey ayaa waxa go’aanka Mikel Arteta uu ku fashiiyey Martin Odegaard ay keentay in taageereyaashu ay su’aalo badan iska weydiiyaan.

Laakiin Arteta oo la hadlay saxaafadda ayaa waxa uu sheegay in Odegaard uu woxoogaa daal ah dareemayay oo ay u baahnaayeen in ay firfircoonaysiiyaan safkooda, waxaanu yidhi: “Ciyaarihii caalamiga ahaa, lix ciyaarood oo xidhiidh ah oo 20 maalmood gudahood uu min 90 daqiiqadood ciyaaray, waxa ay qasabtay in aanu isbeddel samayno.

“Waxa aanu u baahanahay tamar. Waxa aanu u baahanahay in aanu diyaar ahaano oo aanu noqono kuwo firfircoon oo goolal dhalin karaya, markaa waxay noqotay in aanu ciyaartoyda isku beddelno.”

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*