Latest News

Osimhem Oo Kusii Jeeda Premier League

Weeraryahanka Roma ee Tammy Abraham oo 26 jir ah, ayaa dib ugu laabanaya horyaalka Premier League haddii uu Jose Mourinho ka tago Roma dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana Abraham danaynaya Chelsea, Aston Villa iyo Brentford. (Teamtalk)

Nerwcastle iyo Tottenham waxay si dhow ula socdaan weeraryahanka Talyaaniga ah ee Enrico Chiesa oo la sheegay in uu doonayo in uu iskaga tago Juventus oo aanu u kordhin doonin qandaraaskiisa oo soconaya illaa 2025. Juventus ayaa ku qasban inay iibiso xagaaga haddii inta ka horreysa ay ku qancin waayaan in uu heshiis cusub saxeexo, qiimihiisana waxa lagu sheegay 60 milyan oo Euro. (Calciomercato)

Arsenal waxay go’aansatay in aanay ogolaanin in goolhayaha reer England ee Aaron Ramsdale oo 25 jir ah uu ka tago kooxdaas bisha January, inkasta oo uu u dhacay kaydka oo uu Arteta ka doorbiday David Raya. (Caughoffside)

Newcastle United ayaa liiska ciyaartoyda ay doonayso waxay ku darsatay xiddigii hore ee Manchester United ee Fred oo ay da’diisu tahay 30 jir. Laacibka reer Brazil ayaa xagaagii si xor ah ugu wareegay Fenerbahce oo uu ka noqday laacib lama-taabtaan ah, halka Newcastle ay raadinayso ciyaartoy u buuxiya booska Sandro Tonali oo toban bilood la ganaaxay. (Fotomac)

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*