Latest News

Ousmane Dembele Oo Ku Biiray PSG Iyo Isaga Iyo Wakiilkiisa Oo Lacag Fiican Ku Dhuftay

Paris,August 12,2023(Haatufonline)-Naadiga Paris Sain-Germain ayaa maanta shaaca ka qaaday in laacabkii Barcelona ee Ousmane Dembele uu kusoo biiray ka dib markii ay heshiis qiimahiisu dhanyahay €50 milyan ($55m) la gaadheen Barcelona si ay u fasaxaan Dembele. Laacibkan oo ka ciyaara weerarka baalasha ayaa ku guryo noqonaya wadankiisa Faransiiska iyadoo uu 7 dii sanadood ee u dambasysay u ciyaari jiray marna naadiga Jarmalka ee Borussia Dortmund marna naadiga Isbaanishka ah ee Barcrlona.

Dembele iyo wakiilkiisa ayaa sida la sheegay kala badhoo badh qaadanaya kontonka milyan ee Yuuro ee lagu faasaxay Dembele halka badhka kale u yeelanayo naadiga Barcelona.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*