Latest News

Shacaabiga Badda Cas Oo Dunida Ugu Caafimaad Roon Iyo Ka Djibouti Oon Fasakhmin.

Haatufonline,August 12,203 – Shacaabiga baddu wuxu ka abuurmaa makhluuqaad yar yar oo ku dhaga dhagax wayn ama shay kale oo adag oo badda gunteeda yaal .Makhluuqaadkaasi ayaa waxay sii daayaan dheecaan kamiko ah oo ay ka samaystaan qolof adag adag oo ay isku dahaadhaan. Ugu yaraan 10,000 sanadood ka dib waxa ka samaysma Shacaabiga lagu arko badaha dalalka iyo jasiiradaha ku yaala aagga loo yaqaan Kulaylaha ama tropical-ka.( geedi- socodkaasi wuxu meelaha qaar qaataa inta u dhaxaysa 100,000 iyo 30,000,000 sanadood).

Waa maxay faaiidada uu Shacaabiga leeyahay? Shacaabigan badda hoosteeda sida dhirta uga baxa waxa ku dhex nool noocyo farabadan oo ka mid ah Kaluunka subaxwalba lagu iibiyo suuqyada magaalooyinka iyo tuulooyinka ku yaala xeebaha. Shacaabiga iyo kaluunka ku dhex nooliba waxay labaduba leeyijiin midabyo kala duwan oo qurux badan oo indhaha bani aadamka soo jiita. Soo daawashada quruxdaa dabiiciga ah ee badda hoosteeda ayaa dad badani u dalxiis tagaan taasoo ay bulshooyinka ku nool xeebuhu dhaqaale ahaan uga faaiidaystaan.

Waxaseh jira dhalangadi ku dhacay Shacaabigii dunida oo ay sababeen waxyeelooyin isbiirsaday oo sanada badan loo gaysanayey deegaanadii u Shacaabigu ku noola iyo saamaynta ay cimilada aduunka ee isbadashay ku yeelatay caafimaad-qabkii Shacaabiga. Dabcan labadaa arimood ee dhibaatadani ka dhalatayba waxa sababtooda lahaa bani-aadamka. Astaamaha ugu horeeya ee lagu garto in Shacaabigii wax ku dhaceen waxa ka mid ah midabkiisii oo fasakhma iyo dhuxiisii oo qalala, cudurkaas oo hadda muddo dheer ku siqayey qaybo badan oo Shacaabiga dunida ka mid ah. Hadaba sahamin cilmiyeysan oo ay sameeyeen khubaro ka socda xarunta Transnational Red Sea Center ayaa waxa lagu ogaaday in Shacaabiga badda Casi uu ilaa xad iska caabiyey 1) wasakhowgii soo gadhay deegaankiisa iyo 2)saamayntii kulaylkii siyaadada ahaa ee ka dhashay isbadalka cimilada. Waliba waxa cilmibaadhistaasi lagu ogaaday in Shacaabiga ku yaala badda Djibouti hoosteedu yahay ka ugu bedqabka fiican Badda Cas iyo galbeedka Badwaynta Hindiya oo dhan.

Sida la ogsoonyahay Djibouti waxay leedahay xeeb dherarkeeda lagu qiyaaso 370 km waxaana hoos fadhiya biyaheeda badda buuro shacaabi ah oo lagu qiyaaso 450 km2. Kaluumaysatada Djibouti ayaa noocyo kala duwan oo kaluunka dalka lagu cuno waxay kasoo qabtaan meelaha u shacaanigu ku badanyahay. Waxa kale oo soo kordhaya dalxiiska quusa badda hoosteeda si ay usoo daawadaan Shacaabigeeda quruxda badan. Hadaba Djibouti,dawladaha Badda Cas iyo dunida inteeda kaleba masuuliyad ayaa ka saaran ilaalinta bedqabka qaniimadaasi dabiiciga ah ee Ilaahay ku manaystay biyaha Badda Cas hoostooda.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*