Latest News

Qaramada Midoobay Oo Ka Warbixisay Musuqmaasuqa Heshiisyada Kaluumaysiga Ee Dhexmara Somalia Iyo Shiinaha

New York,October 26,2023(Haatufonline)- Warbixin ay Qaramada Midoobay bishan October 2023 soo saartay ayaa daaha ka rogtay musuqmaasuq hadheeyey rakhsadaha kaluumaysiga ee ay dawlad goboleedyada iyo dawlada dhexe ee Somalia siiyaan maraakiibta kaluumaysiga ee shiinaha iyo Iran.
Warbixintan oo ay diyaaryeen gudi khubaro ah (panel of experts on Somalia ) oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo dabagal ku sameeya xayiraadda hubka ee la saaray Somalia iyo lunsiga xoolaha qaranka, ayaa waxa lagu sheegay in maamul goboleedyada iyo dawladda dhexe ee Somalia ay llabadooduba rukhsadaha kaluumaysiga ku bixiyaan lacago aad u jaban oo ay Shiinaha iyo Eeraanta ka qaataan. Hasa yeeshee dawladda dhexe ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa difaacday heshiisyada kaluumaysiga ah ee ay la gashay Shiinaha iyadoo tirada maraakiibta ay rukhsadaha siisay ku sheegtay 27 . Xukumadda dhexe ee Federaalka ayaa khubarada u sharaxday in Somalia iyo Shiinuhu ay muddo dheer wada lahaayeen iskaashi ku saabsan danahooda gaarka ah oo u ka mid ahaa inay iska kaashadaan dhinaca kaluumaysiga. Wasaarada Kaluumaysiga ee Federaalka ayaa 6 August 2023 gudida u xaqiijisay inay dib u cosboonaysiiyeen heshiis is-afgarad oo ku saabsan kaluumaysiga oo dhex maray Somalia iyo ururka Kaluumaysatada dalka Shiinaha.
Waxa kale oo ay warbixintan gudidu xustay
in Puntand iyo Galmudugba ay 2022/2023 heshiisyoo la galeen maraakiib kaluumaysato ah oo laga leeyahay dalka Shiinaha iyadoo Puntland sheegtay inay bixisay 24 rukhsadood halka Galmudug qiratay inay bixisay 16 rukhsadood taasoo tirada maraakiibta Shiinaha ee labada maamul goboleed rukhsadaha siiyeen ka dhigaysa 40 markab.

Dhinaca kale waxay warbaxintu sheegtay in rukhsado macmal ah laga iibiyo maraakibta Eeraanta iyadoo laga siiyo lacag u dhaxaysa $6000-11000 calaa rukhsad halka hadii la raaci lahaa sharciga Somalia ay ahayd in markabkiiba afartii biloodba laga qaado lacag u dhaxaysa $ 60,000 – $90,000. Waxaanay gudidu maraakiibta Eeraanta ee badda Somalia ku jirtay mudadi u dhaxaysay January 2022 ila June 2023 ku qiyaastay 134 markab.

Khubarada ayaa dawladaha Iran iyo Shiinaha ka dalbaday inay la wadaagaan nuqulada rukhsadaha ay maraakiibta calankooda sidataa ka qaateen dalka Somala iyo inay warbixin ka siiyaan dad Somalia jooga oo laga yaabo inay fududeeyeen bixinta rukhsadahaasi. Siday gudidu sheegtay,dawladda Iran waxay kusoo jawaabtay inay u baahanyihiin waqti dheeraad ah si ay xogta u hela,halka aanu Shiinahu wax jawaab ah bixinin.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*