Latest News

Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Sheegay In Dalkiisu Aanu Ku Duuli Doonin Dalalka Jaarka Ah

Addis Ababa, October 26, 2023 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in Ethiopia  aanay qorshaysanin  inay xoog ku gaadho danaheeda, isla markaana  aanay ku duuli doonin dal ay jaar yihiin.
Hadalkan Raysan Wasaaraha Ethiopia ayaa yimid kaddib markii uu dhawaan sheegay in baahi loo qabo in dalkiisa uu yeesho marin-badeed, taas oo dalalka jaarka la ah uu galiyey hadal hayn badan.
Raysal Wasaare Abiy Axmed oo maanta shacabka dalkiisa kula hadlayay fagaare ku yaalla caasimadda Addis Ababa, oo lagu xusayay maalinta ciidammada ee Khamiista, ayaa Mr Abiy uu sheegay in Itoobiya “aanay weligeed ku duuli doonin” dal kasta.
“Ciidankayagu weligood weerar ma qaadin, hadda cidna weerari mayno,” ayuu yidhi.
“Waxaa laga cabsi qabaa in duulaan uu dhaco markii Itoobiya ay dhawaan carabka ku dhufatay baahida loo qabo in laga wada hadlo arrimaha qaar… Waxaan jeclaan lahaa inaan si adag idiin caddeeyo inaanan kicin doonin walaalaheen si aan xoog ugu helno baahideena,” ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*