Latest News

Real Madrid Oo Kabaha La Dul Martay Napoli Oo 4-2 Ay Kaga Badisay

London, November 29, 2023 (Haatufonline) – Kooxda kubadda cagta ee Real Madrid ayaa caawa kaba la dul martay kooxda Napoli, waxaanay kaga badisay 4 gool iyo laba.
Real Madrid oo la loodin layahay ayaa caadaysatay guulo ay ka soo hoyso horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League, taas oo caawa gaadhay guushii shanaad oo xidhiidh.
Kooxda Real Madrid ayaa la timid waqti dambe laba gool oo u quus gooyey Napoli oo gool kaga horaysay ayaa Daqiiqaddii 9aad ee bilowga ciyaarta weeraryahanka reer Argentina ee Giovanni Simeone oo uu dhalay tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone uu hoggaanka u dhiibay Napoli oo uu u dhaliyey kubbad uu dhinaca midig kasoo dhigay Di Lorenzo, balse yeeshee saddex daqiiqadood oo kaliya ayay ku qaadatay Real Madrid inay ka jawaabto goolkaas, waxaana Kubbad uu khadka dhexe kasoo farsameeyey Brahim Diaz ayaa waxa uu u dhiibay Rodrygo oo garabka bidix ka ciyaarayay, waxaanu da’yarka reer Brazil u gooyey dhawr difaac ka hor intii aanu darbad xooggan ku hubsanin shabaqa Napoli

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*