Latest News

Ribada La Jiifiyaana Banaan La Joojiyaana Banaan

Maqaal: Qore Maxamed Cabdi Daa'uud

Somalidu waxay soo werisay wadaad laga hayay: La Jiifiyaana Banaan, La Joojiyaana Banaan. Waana marka uu Wadaadku qaradlaha yahay ee aanu ka tarjumayn Diintiisa caddaaladda ku dhisan. Rabida ama dulsaarka ayuu Aadanuhu adeegsan jiray, iyada oo la kawsatay ganacsiga. Inta laga war-qabaana soo taxnayd 7,000 oo sanadood. Kitaabka Baybalka oo ka mid ah kutubta ugu faca weyn, waxaa ku yaala Yuhuudda oo laga xarrimay Ribada dhexdooda ah. Laakiin loo fasaxay dulsaarka ay ka qaataan dadyawga kale ee aan Yuhuudda ahayn.


“Waa in aydaan walaalkiin intaad wax deymisaan, dulsaar ka qaadan, ha ahaadeen lacag dulsaar ah, ama cunto dulsaar saar ah, ama wax kale oo dulsaar laysku deymiyo toona. Kii shisheeye ah, dulsaar wax baad ku daymin kartaan, laakiin walaalkiin waa inaydaan dulsaar wax ku deymin” (Deuteronomy 23:19-20). Waa Kitaab ka tirsan Tawraat oo la yidhaah ‘Sharciga Ku Noqoshadiisa’, cutubka 23aad, weedhaha 19 ilaa 20aad. Kitaabka Injiilka Masiixiyadda, sida uu u qoray Matayos (Matthew), waakan: “Kii wax kaa barya sii, oo kii doonaya inuu wax kaa amaahdo, ha ka sii jeedsan” (Matthew 5:42) Tawraat iyo Injiil ilaa Diinta Buudaha dulsaarku xaaraan buu ahaa.


Sidaas oo ay tahay, ayuu haddana Aadanuhu isku dul-nool yahay. Oo uu ku dheggan yahay, inuu kala qaato dulsaarka. Qaabka ay Diinta Islaamku arrinkan u daweysay ayaa ashqaraar leh. Waxa ay si cad u kala saartay iibka ganacsiga iyo dulsaarka. Inta aan dulsaarka la xarimin, Quraanku si dadban ayuu u muujiyay in dulsaarku aanu fiicnayn. Waxaa ka mid ah Aayadda ku jirta Suuratu Al-Ruum oo ka mid ah Quraankii soo degay intaan la Hijroon, Aayaddaas oo odhanaysa: “Waxaad la timaaddaan (ee adduun ah) ee aad ku doonaysaan dulsaar, Ilaahay agtiisa dulsaar idiin noqon mayo. Waxase aad Ilaahay dartii sako ahaan ku bixisaan, ayaa idiin laba-laabmi doona oo ilaahayna idiin barakayn doonaa”. Sidoo kale waxaa ahaa aayadda ku jirta Aal Cimraan, oo iyana Makiyad ah, oo waxa keli ah ee ay Muslinka u diidaysaa yahay in uu dulsaarka cuno, kiisa in badan laba-laababmaya. Halkaas oo laga dheehan karo in aanu dhib lahayn dulsaarka kiisa khafiifka ahi. Waatan Aayaddii: “Kuwa Ilaahay iyo Rasuulkiisa rumeeyayaw, ha cunina dulsaarka kiisa aadka u labalaaban. kana dhawrsada Ilaahay, waad liibaani doontaane” (Aal-Cimraan 130).
Waqtigaas ka horeeyay Hijrada iyo xilliyo badan oo Madiina la joogay, oo ay hana-qaadday Dawladdii Islaamku, may jirin in si toos ah dulsaarka loo xarimo. Aayadaha ku jira Suurat Al-Baqarah, waxa ay soo degeen horteed yar geeridii Rasuulka, oo ku beegnayd Xajkii Waddacaadda. Waxaa sidoo kale ah Aayadda ugu dheer Quraanka, oo ka hadlaysa Xeer Nidaamiyaha Amaahda ama deynta oo Islaamku dhiiri-geliyay, si bulshadu isugu naxariisato, oo ay is taakulayso. Halkaas waxaa ka muuqda in aanu Islaamku ku degdegin Xarriminta Dulsaarka. Muddo 23 sano ah ayuu Islaamku dhisayay bulsho ku dhaqanta nidaamkiisa dhaqaale ee leh wax-istar, deyn hor Ilaah laysku siiyo, iyo Sako la bixiyo oo wax laga siiyo ciddii deyn lagu yeesho. Intaas kuma ekaan, ee dhinaca kale waxa la dhiiri geliyay in qofku iska bixiyo deynta inta aanu dhiman. Taas oo maanta laga gaabiyay. Nabigu kuma tukan jirin Jinaasadda qof lagu leeyahay deyn, ilaa inta meel la saarayo deyntaas.


Saxaabiga Jaabir Bin C/Laahi ayaa inooga waramaya sida Islaamku deynta u nidaamiyay. Waxa uu yidhi: “Nin baa naga dhintay. Markaas ayaanu maydhnay hagaajinay oo kafankiina ku xidhnay. Waxaanu u keenay Jinaasaddii inuu Rasuulku ku tukado. Markuu soo dhaqaaqay ayuu na weydiiyay Nabigu : “Waar ninka deyn ma lagu leeyahay?” Waxaanu ugu jawaabnay; “laba Diinaar (baa lagu leeyahay). Deedna (Nabigii ) ayaa dib u jeestay. Abuu Qataada ayaa yidhi anaa ka bixinaya labada Diinaar. Ka dib ayuu Nabigii yidhi: “Ilaahay baa fakiyay, oo la kafaalo qaad labadii (Diinaar) ee deynta ahaa. Markaas ayuu ku tukaday. Laba cisho markay ka soo wareegeen ayuu Rasuulkii yidhi: “Waar maxaa laga yeelay labadii Diinaar?” Markaas ayaan ku idhi: “Sawtii shalay uun ahayd, Rasuulkii Ilaahayaw!”. Maalin ka dib ayuu yimid Abu Qataada, markaas ayuu sheegay inuu bixiyay labadii Diinaar. Markaas ayuu Rasuulkii yidh: “Immika ayuun buu ka jabay karkii (maydka). Yacnii intii hore wuu caddibnaa.


Islaamku markuu dhisay bulshadii, xagga wacyiga, sharafta iyo anshaxa, xagga dhaqaalaha, xagga ganacsiga xalaasha ah iyo xagga daryeelka danyarta (Nidaamka Sakada), ayuu guda-galay sannadkii ugu dambeeyay inuu xarrimo dulsaarka, isaga oo uga dan lahaa in aanay xooluhu ku ekaan inta wax haysata uun.


Si cad oo aan caad lahayn, ayuu Quranku uga hadlay dulsaarku waxa uu yahay: “Kuwa Diintan rumeeyayaw, Ka yaaba Ilaaha, oo ka taga dulsaarka kiisii hore iyo kan dambaba. Waa haddaad Iimaan leedihiin. Haddaad taas yeeli weydaan ku talo-gala dagaal ay idinku qaadaan Ilaahay iyo Rasuulkiisu. Haddiise aad toobad keentaan waxaad leedihiin, keliya, Raasamaalkiinii oo aan dulsaar lahayn; Yaan lays dulmiyin. Haddii aanu waxba haysanin ka deymaysani, u kaadiya inta Ilaahay wax siinayo. Idinka oo ka saamaxa ama wax siiya qofkaas, ayaa idiin khayr roon, haddaad wax-garad tihiin” (Al Baqara 278-279). Waa war cad oo aan u baahnayn in lagu madiixo Xadiis Daciif ah oo aan ka sugnaan Nabigeenii . Sida ay dhigayso weedha ku ekeyd C/Laahi Bin Salaam, ee aan gaadhsiisnayn Rasuulkeena . Taas oo odhanaysa; “Dirham kugu taga ayaa ka dambi weyn 36 goor oo aad sinaysato”. Sinadu waxay ahayd wax laga xaragoodo oo foolxun, xataa Islaamka ka hor. Dulsaarkuse sidaas ma ahayn, oo Asxaabta Nabiga laftooda ayaa ku dhaqmayay dulsaarka, ka hor intaan la xarrimin.
Xadiiska ugu miisaanka weyn, ee qeexaya dulsaarka iyo ganacsigu waa ka uu soo weriyay Cubaadah Bin Saamit ee uu yidhi waxaan maqlayay Rasuulka oo leh: “Dahabka dahab uun baa lagu gadi karaa, lacagna lacag uun, daqiiqdana daqiiq uun, heeddana heed uun, milixdana milix uun , timirtana timir uun. Iibku waxa uu ku dhacayaa miisaan ama miisid is le’eg (oo aan kala badnayn), oo markiiba la kala qaato, gacan bigacan. Qofka miisaanka kordhiya ama naaqusiyaan, dulsaarkii xaaraanta ahaa buu ku dhacayayaa”. Xadiiskani waa Saxiix oo hal diiddan ma leh. Ereyga ah lacagta (Silver) ee ku xusan xadiiska iyo dahabkuba waxa ay ka dhignaayeen lacagta aan adeegsanno oo kale. Dahabku wuu kala qaalisan yahay, samaysyo kala duwanna waa lagu sanceeyaa. Taasi qofka iska fasaxaya ayay u taalaa, laakiin hadduu gadanayo miisaan is le’eg baa lagu doorsanayaa. Sidaas waxaa loo yidhi in la sugo hal-beegga iibka, oo u dhigan lacagta manta wax lagu kala iibsado. Dulsaar ma yeelan karto hadday dahab tahay iyo hadday lacag tahayba. Shanta kale waa cuntooyin adeegoodu maalinle yahay. Iyagana dulsaar lama ogala. Marka timir iyo timir lays weydaarsanayo, teeda xun iyo teeda san la eegi maayo, ee miisaanka oon korodh lahayn uun baa la kala qaadanayaa, gacan bigacan, isla markiiba. Haddii kale waa ribo. Haddaanu sidaas raali ku ahayn Qofka sita timirta fiicani, ha soo lacageeyo timirtiisa, deedna isaga oo sita lacagtii ha iibsado timirtii laga fiicnaa. Haddii miisaanku is dheeraado waxay culumadu u bixisay Ribada Dheeriga. Haddii markiiba lays weedaarsan waayana waxay Culumadu u bixisay Ribada Dib-udhaca. Labadubana waa xaaraan, sida ka muuqata Xadiiska Rasuulka. Ereyga Gacan Bigacan ee ku xusan Xadiisku, waxa uu meesha ka saaray, muranada ku yimaadda ganacsiga maanta75%. Waana mid loo bogay.


Dahabka iyo Lacagta (Silver), iyaga waa lagu doorsan karaa afarta dambe iyo bedeecadaha kala duwanba. Halkan miisaanku shardi noqon maayo, ee waxaa shardi ah Sicira-Suuq. Haddii bixinta midkood dib loo dhigana, deyn xalaal ah, oo qiimaysan buu noqonayaa. Waxaa xusid mudan Xadiis daciif ah oo hashkadaynaya, oo taxanaha ragga soo weriyay Xadiiska (sanadkiisa) ay ku jiraan lama-yaqaano, oo haddana dad badani ay ku dhegeen, si ay ay ku xalaashadaan Ribada ama dulsaarka. Xadiiskaas waxa soo werinaya Camar Binu Caas. Waxaanu leeyahay Camar: “Rasuulka ayaa i faray inaan awrkiiba ku qaato laba awr oo amaah ah. Si aan u diyaariyo xoolihii lagu Jihaad tagi lahaa oo mar dambe laga magdhabi doono xoolaha Sakada ee la soo ururin doono”. Ka sakaw Daciifnimada Xadiiska, iyo ka hor imaadka quraanka iyo Axaadiista saxiixa ah … intaba haddii layska liqo;Waa goorma markuu arrinkaasi dhacay? Waqtigaasi miyuu ka horeeyay mise wuu ka dambeeyay Xajkii ugu dambeeyay ee Nabiga uu gutay, ee la odhan jiray Xajkii Waddacaadda, kaas oo dulsaarka lagu xarrimay? Waqtigaasi hadduu ka horreeyay Xajkaas waa dulsaar aan la xarrimin xilligaas. Hadduu ka dambeeyayna waa dulsaar ka hor-imanaya Quraankii xarrimay Ribada. Labada goorba ma jirto xujo adag oo uu haysto Xadiiskan daciifka ahi.
Xadiiska noocaas ah ayay Carabtu cuskadeen si ay u jideeyaan waxa ay u bixiyeen A-Deyn Bil Ajal, macnaheedu yahay deyn dulsaar wadata oo mar dambe layska bixin doono, oo ay ku sheegeen xalaal. Baananka sheegta Nidaamka Islaamka ayaa jidaystay waxa ay ugu yeedhaan Muraabaxa. Oo ah maskiin doonaya guri ama gaadhi inuu deyn ku qaato, ayay ku odhanayaan; “Gaadhigu, sicira suuqa, waa $15000, ee aan kugu qorno $20,000, oo mar dambe aad iska bixiso, si hal mar ah ama marar kala dambeeya ah”. $5,000 ee siyaadada ah, waa macaash ku sheeg ay jidaysteen, iyaga oo cuskanaya Xadiiskii Camar Bin Caas. Waxaa la xadayaa Caqliga Bulshada Muslinka ah.


Waxaa jira, oo taas ka duwan, oo xalaal ah, oo wax-ma-haystaha iyo kuwa ladan isku soo dhaweynaya, shaqo abuurna samaynaya Mudaarabada. Taas oo ah in ciddii adduunka haysaa, ay la shuraakawdo cidda aan adduun haysan, ee laakiin xoog iyo xeelad haysa. Oo wixii la macaasho la kala qaybsado. Haduu Khasaare yimaaddana cidda adduunka lahayd bixiso.
Sidaas ayay diinta Islaamku u habaysay ganacsiga iyo deynta. Oo ay u xaaraantimaysay Ribada ama dulsaarka. Oo ay u dhiiri gelisay deynta bilaa dulsaarka ah. Sidoo kale ayay ahaan jireen Diimihii Samaawiga ahaa. Laakiin Yuhuudda iyo Macatabkuba waxa ay u soo gabaara gurdeeyeen Ribadii oo ay xalaashadeen. Isla sidaas ayuu Muslinkiina ka eegtay Yahuudda iyo Nasaarada. Oo Muslinkiina xalaashadeen Rabadii iyo dulsaarkii. Muslinku maantu, isaga oo aan isku dheeli-tirin deyntii, Sakadii, Ribadii iyo ganacsigii, ayuu doonayaa inuu mid ahaan fuliyo iyada oo qaybihii kale maqan yihiin. Taasina waxay keentay dhakafaarkii ugu weynaa ee lagu fulinayay Islaam kala dhiman. Waxaa sidoo kale ah Jihaadka iyo Dirirta Diimeed. oo u baahan in xilligiisii iyo nidaamkiisa dawladeed loo maro.


Dawlad qudha ah, oo dabaqday Islaamka, manta ma jirto. Dawladaha Carbeed iyaga ayaa ugu fog, oo aan haybsan karin Islaam dhammays tiran. Waa iga su’aale, markay sidaas tahay, siday u dabiqi karaan Dulsaarkii ugu dambeeyay wax la xarrimo. Waxay Dulsaarka ku cunaan dhuumasho dhabarku muuqdo, oo ay magacyo kale ula baxeen. Baananka la baxay Islaamigu, waxa ay qaataan dulsaar ka badan ka ay qaataan Baananka Reer Galbeedku. Dulsaarkaas oo waliba ku laba-laabamaya in ka badan shan goor.


Baanka Islaamiga ahi waa ‘Baytal Maalkii Muslimiinta’. Waa mid qaranku leeyahay, lagu ururiyo Sakada. Hayn kara amaanada, dayaca ka ilaalin kara hantida guud iyo ta gaarba. Korjooge u noqon kara, dammaanadna ka qaadi kara Baananka kale ee Muwaadinka iyo ajnabiguba leeyihiin, si dayaca iyo dafiraadda looga ilaaliyo adduunka ay leeyihiin bulshada la macaamishaa. Iyada oo la eegayo shuruudaha ka horreeya Xarriminta Dulsaarka, sida Nidaamka Islaamka ee Deynta, oo aan ka jirin Somaliland, iyada oo aan ogsoon nahay inaanu jirin xataa dal keli ah oo dabaqay Shariicada ama leh Baanan ku dhisan shariicada oon dusdus lahayn … iyada oo taas iyo teeriba jirto waa ayaan darro in dalkan loo xidho laba Baan oo iyaba dhuuqaya dulsaarkii Ilaahay xarrimay.
Kol haddii aanay Shariicaddii iyo wacyigeedii aanu ka shaqaynayn Somaliland iyo dalalka kale ee adduunkaba … Kol haddaanu jirin Nidaamkii Deynta ee Islaamiga ahaa, oo qofna maanta aanu helayn deyn bilaa dulsaar ah … Kol haddii baananka Nidaamka Islaamka sheeganayaa, adduunka oo dhan aanay hantidoodu ka badnayn Boqolkii hal (1%, 2/200 Trillion) marka la barbar dhigo qayrkood … Kol haddii Baanankaa Islaam sheegatada ahi, ee adduunku, aanay waxba ugu filnayn Somaliland … Culumadeenu iyo cidda kale ee dabada ka riixaysaaba, dib ha u fadhiistaan, oo ha ka joogsadaan inay si fudud u xarrimaan ama ay u xalaaleeyaan Dulsaarka Baanankii hore ama kuwa dambe.
Waxaa loo baahan yahay Baanan Ganacsi oo adeegga bixiya, oo halabuur leh, oo maal galiya beeraha, daaqa, xanaanada xoolaha, wershadeynta hilibka iyo kalluunka iyo dhuufintooda. Kuwaas oo maalgalin kara soo saarista macdanta, biyaha iyo tamarta cadceedda iyo dabaysha. Waxa loo baahan yahay Baanan habeeya wadaagga maalgalinta (Shares) ee muwaadinka iyo ajnabiga. Ma aha in ummadda lagu mashquuliyo dulsaarku waa xaaraan ama waa xalaal oo qudha, deedna loo xagliyo Baanan ku shaqeeya Nidaamka Ribada, la macaamila Baananka Faranjiga, ka qaata ama siiya Ribo si ay u daboolaan deynta ay qaataan, ama dulsaar ka qaata lacagta u biirtay ee ay dhigtaan Baananka Faranjiga.
Wa Billaahi Attawfiq

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*