Latest News

Saliid Ka Daadanaysa Markab Xuuthigu Weeraray Oo Wadhan 29 Km G/Cadmeed

Cadan,February 25,2024(Haatufonline)-Saliid ka qubanaysa markaab ay Xuuthiyiintu todobaadkii hore ku weerareen Gacanka Cadmeed oo haatan daadsan madaafad 29 km ah ayaa laga cabsi qabaa inay waxyeelo wayn soo gaadhsiiso deegaanka biyaha badda dushooda iyo hoostoodaba.
Markabkan oo magaciisa la yidhaahdo Rubymar ayaa waxa dhaawac weyni kasoo gaadhay weerar ay Xuuthiyiintu ku qaadeen 18 kii bishan February xili uu ka gudbayey Baabal Mandab una socday dalka Bulgaria iyadoo uu siday 41,000 Tan oo degada kamikada ah ee beeraha taasoo laga soo raray dekadda Khoofakaan ee ku taala Imaaraatka. Ciidamada Maraykanka oo usoo gurmaday ayaa shaqaalihii Markabkabkaa u daadgureeyey Djibouti. Dhinaca kale Roy Khoury oo ah agaasimaha fulineed ee shirkadda markabka leh ayaa sheegay in markabkan oo biyihii baddu soo galeen loo soo jiidi doono dhinaca Djibouti.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*