Latest News

Shabakadaha Dadka Tahriibiya Oo Ka Faraqabsaday Dagaalka Sudan Ka Socda

Khartoum,October 17,2023( Haatufonline)- Tan iyo intii uu dagaalku ka qarxay Sudan Bishi May 2023 waxa cirka isku shareeray tirada dadka ku barkacay dalka gudahiisa iyo kuwa uga qaxay dhinaca wadamada jaarka ah sida Koonfurta Sudan Masar iyo Chad.
Waxa seh jirta kumanaan dad ah oo u gacan galay shabakadaha dadka tahriibiya ee ka hawlgala dalka Sudan. Warbixin ay dhawaan soo saartay Guddida Qaranka ee La Dagaalanka Tahriibta Dadka ayaa waxay ku sheegtay in tahriibta dadku aanay marnaba joogsan mudadi uu dagaalku socday balse ay xoogaysatay. Guddoomiyaha gudidan
ahna Agaasimaha Guud ee wasaaradda Cadaaladda Huwayda Cali Cawad oo arintan ka hadlaysa ayaa waxay sheegtay in kooxaha tahriibtu ay badaleen habkii ay u shaqayn jireen waxaanay tidhi
” hadda waxay ka leexdeen magaalada Khartoum oo waxay hawlahoodi ka wadaan meelo kale oo ay dadka tahriibinayaan ku ururiyaan”.
Haweenaydani waxa kale oo ay sheegtay in kooxahani ay soo kordhiyeen suuqyo lagu kala iibsado hablo damacsanaa inay tahriibaan oo u rahman.

Suuqa tahriibleyaasha ayaa waliba xaami noqday kadib markii ay Masar cidhiidhi galisay fiisooyinkii ay siin jirtay dadka u dhashay dalka Sudan isla markaana ay xayiraad kusoo rogtay in fiisooyin la siiyo dadka ka soo jeeda dalalka qaar sida Afrikaanka,Suuriyaanka iyo Yamaanida oo dad badan oo muhaajiriin iyo qaxoontiba iskugu jiraa ay ka joogeen dalka Sudan kuwaasoo rabay inay Masar u galaan balse dawladdaasi ka horjoogsatay.
Kooxaha wax tahriibiya oo ka faaiidaysanaya durufahaasi ayaa ka faraqabsaday dadka ku cadilan Sudan gadaheeda ee doonaya inay Masar u safraan waxaanay ka qaadaan lacag ku dhaw $500 calaa qof iyadoo ay mariyaan buuraha iyo jararka u dhaxeeya magaalada Portsudan iyo magalada Aswaan ee ku taala koonfurta dalka Masar.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*