Latest News

Shirkada Telesom Oo Sheegtay Inay Ka Qaybgashay Shirka Caalamiga Ee Tiknoolajiga MWC GSMA

Hargeysa, October 17, 2023 (Haatufonline) – ”Waxa farxad noo ah in aannu ka qaybgalnno shirka caalamiga ah ee tiknoolajiga MWC GSMA, kaasi oo ka socda caasimadda dalka Rwanda ee Kigali. Shirkan ayaa waxa isugu yimaadda hoggaanka shirkadaha hormuudka u ah tiknoolajiga casriga ah iyo daneeyayaasha kala duwan ee tiknoolajiga. Kulankan ayaa u jeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa islamarkaana hal’abuur cusub loogu biirin lahaa adeegsiga tiknoolajiga ee qaaradda Afrika, gaar ahaan in si isku mid ah loo gaadhsiiyo adeegyada mobile-ka miyi iyo mgaalo; rag iyo dumarba.

Afrika oo ah qaarad bulshada ku dhaqan ay dhallinyaradu ugu badan tahay, marka la barbardhigo qaaradaha kale ayaa waxa kulankan lagu gorfeeyay sidii loo dardargelin lahaa horumarinta tiknoolajiga si loo hirgeliyo fursado hal’abuur ganacsi iyo casriyayn joogto ah. Waxa xusid mudan in ganacsiyada bilawga ah ee ku dhisan tiknoolajigu (tech startups) ay sannadkii 2022 dhaqaale ahaan kor u keceen in ka badan $3 Bilyan. Taas oo caddaynaysa in la falgalka tiknoolajiga ee bulshada Afrika uu yahay mid xawli ah, islamarkaana u diyaarsan la jaanqaadka tiknoolajigii u dambeeyay sida: AI, AR/VR, Web3 iwm.

Sidoo kale tiknoolajiga ayaa wax weyn ka beddelay dhaqaalaha Afrika, waddamada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya waxa ka diiwaangshan in ka badan 760 milyan oo adeegsada hannaanka lacagaha moobilada, kuwaas oo uu adeegga ZAAD kaalmaha 1aad kaga jiro. Waxaana sannadkii 2022 la xaqiijiyay in la isku weydaarsaday lacag caddadkeedu kor u dhaafayo $830 bilyan. Waana mid ka mid ah ajendayaasha ama qodobbada ugu doorka waynaa ee shirkan lagu soo bandhigay.

Caafimaadka oo noqday mid si weyn ugu xidhan adeegsiga tiknoolajiga, gaar ahaan baadhitaanada, daawaynta iyo ka hortagga cudurada, ayaa noqday mawduucyada ugu xiisaha badan ee shirkan lagu soo bandhigay. Waxaan ka soo baxay in Afrika baahi gaar ah u qabto sidii tiknoolajiga loogu horumarin lahaa daryeelka caafimaadka, isla markaana mustaqbalka uu u noqon lahaa mid waara.

Waxa kale oo xusid mudan in muddadii uu socday shirku diiradda lagu saaray geeddi-socodka tiknoolajiga qaaradda Afrika oo mar walba ka gudbaya marxalado kala duwan, waxa aynu u soo joognay jiilasha isbeddelaya ee Internet-ka oo aynu ogeyn 4G, haddana loo tallaabsaday faca awoodda badan ee 5G, innaguna aynu ka mid noqonay dalalka kaalmaha koowaad kaga jira Afrika, maadaama oo Telesom ka mid noqotay shirkadihii ugu horreeyay ee ilaa hadda dhammaystirtay kaabayaashiisha 5G, dhawaanna isticmaalkiisa si rasmi ah loo daahfuri doono.

Gunnaadkii waxa kale oo shirka xoogga lagu saaray sidii tiknoolajiga loogu adeegsan lahaa tamarta dabiiciga ah, taasi oo qayb ka ah ilaalinta iyo dhawridda badqabka deegaanka.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*