Latest News

Sirdoonka Somalia Iyo Maraykanka Oo Iskaashanaya Oo Diyaarad Hub U Siday Argagixisada Buuhoodle Soo Fadhiisisay Balidoogle

Balidoogle,December 27,2023(Haatufonline)- Ciidamada sirdoonka Somalia ee loo yaqaano Nisa iyo kuwa Maraykanka oo iskaashanaya ayaa Sabtidii garoonka Balidoogle soo fadhiisiyay diyaarad siday hub u badnaa qoryo faal ah.
Siday ilo xogogaal ah oo ku sugan deegaanka Balidoogle noo sheegeen ,diyaaraddan oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa kasoo kacday meel ku dhaw xadka u dhaxeeya Somalia iyo Kenya inkastoo aan wali la kala ogayn inay hubka halkaas kasoo qaaday iyo in kale balse lasoo fadhiisiyey xili ay ku jirtay hawada Somalia iyadoo sida uu Duuliyuhu markii dambe sheegay ay ku socotay Buuhoodle.
Warar dheerad oo arintan ku saabsan oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in qoryaha diyaaradda saarnaa si wayn looga sugayey Buuhoodle gaar ahaan kooxda argagixisada ah ee uu hogaamiyo Cabdi Madoobe ee jiidaas ku sugan taasoo qorshuhu ahaa in iyaga gacanta laga laga saaro qoryahii diyaaraddu sidday oo tiradooda lagu qiyaasay kun qori.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*