Latest News

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Ethiopia

Addis Ababa January 8, 2024 (Haatufonline) Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliiland ,  Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa kulan la yeeshay Birhanu Jula Taliyaha Ciidanka Ethiopia, kaas oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca ciidamada.
Kulanka labadan Masuul ayaa ka dhacay Xarunta Gaashaandhigga, waxaana halkaas ku qaabilay Saraakiisha Ciidanka. Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida, Field Marshal Birhanu Julana iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa iskaashiga dhinaca ciidamada. Waxaa la sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu kala hadlay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed oo ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*