Latest News

Madaxweynaha Somalia Oo Taageeto Ka Raadinaya Masar Iyo Eritrea.

Asmara, January 8, 2024 (Haatufonline) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan ku sugan dalka Eritria ayaa martiqaad ka helay Madaxweynaha dalka Masar Abdilfatah Aziizi.
Safarkan Madaxweynaha Somalia ayaa ujeedadiisu ay tahay si uu xulafo iyo taageero ugu helo diidmada uu ka soo horjeestay heshiis isfahan oo dhawaan ay wadagaleen Somaliland iyo Ethiopia oo ku saabsanaa in Somaliland saldhig milatari oo dhinaca bada ah ay ka kirayso Ethiopia.
Martiqaadkan Madaxweynaha Somalia uu ka helay Madaxweynaha Masar ayaa imanaya maalin kadib markii uu Muqdisho ku qaabilay Xasan Sheekh Maxamuud wefti ka socda dalka Masar oo siday fariin Madaxweynahoodu uu taageero ugu muujinayo Madaxbanaanoda Somalia, sida ay hadalka u dhigeen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*