Latest News

Xildhibaan Gavin Williamson Oo Sheegay Inuu Ku Faraxsan Yahay In Ethiopia Noqoto Dalka Ugu Horeeya Ee Aqoonsada Somaliland

London, January 2, 2024 (Haatufonline) – Gavin Williamson oo u ololeeya aqoonsi Somaliland hesho ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dalka Ethiopia uu noqdo dalka ugu horeeya ee aqoonsada Somaliland. “Sida aad ogtihiin in badan oo idinka mid ahi, waxa aan muddo dheer u danaynayey horumarka iyo barwaaqada Somaliland. Waxa aan si hagar la’aan ah ugu ololeeyay in aan arko Somaliland oo si rasmi ah loo aqoonsan yahay.
Waxaan si weyn u soo dhawaynayaa tallaabada taariikhiga ah iyo istiraatijiyadeed ee Itoobiya ay ku noqotay waddankii ugu horreeyay ee Afrika ah ee u aqoonsada Somaliland dal madax-bannaan. Hadda waxaan rabaa in aan arko UK oo qaaday tallaabo la mid ah tii go’aanka ahayd oo ay u dhaqmayso sidii qalinleyda UN-ta ee la xidhiidha Somaliland iyo Soomaaliya.

Ingiriisku waa inuu hormuud ka noqdaa abuurista qaab-dhismeedka aqoonsiga Somaliland adduunka oo dhan. Waxaynu u baahannahay in aynu aragno waxqabad iyo hoggaan degdeg ah oo ka yimaada Raysal-wasaaraha UK Rishi Sunak, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Lord Cameron, iyo Xafiiska Arrimaha Dibedda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta si loo xaqiijiyo Qaranimada Somaliland. Muddo aad u dheer Ingiriisku ma qaban wax ku filan – wakhtigan biyo-mareenka ah, waxa la gaadhay wakhtigii aynu si geesinnimo iyo go’aan leh u shaqayn lahayn.

Aynu hormood ka noqono arrimaha caalamka oo aynu gacan ka gaysanno sidii ay Somaliland madax-banaanideeda u heli lahayd.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*