Latest News

Xuutiyiinta Oo Markale Ku Hanjabay Inay Badda Cas Ku Weerari Doonaan Maraakiibta Uu Sudhanyahay Calanka Israel

Sanca,November 19,2023(Haatufonline) – Xuutiyiinta Yeman ayaa mar labaad ku hanjabay inay Weerari Doonaan Maraakiibta uu sudhan yahay calanka Israel ee marta Badda Cas gaar ahaan marinka istraatiiji ahaan hawlbawlaha ah ee Baabal Mandeb oo tiro badan oo gaadiidka badda ahi ay maalinwalba cidhiidhi ku maraan. Hasa yeeshee hogaamiyaha Xuutiyiinta Cabdulmalrk Alxuuthi oo arintan ka hadlaya Salaasadi dhawayd ayaa sheegay inay isha ku hayaan oo ay u kuur gali doonaan cidda leh maraakiibta maraysa Badda Cas oo xata hadii aanay sidan calanka Israel balse ay xaqiijiyaan inay Israel leedahay ay bartilmaameedsan doonaan.
Baabal Mandab ayaa ku yaala biyaha badda ee u dhaxeeya xeebta Djibouti iyo xeebta Yeman waxaana saliidda batroolka ee caydhin iyo ta la sifeeyo ee maalinkasta mara lagu qiyaasaa 6 milyan oo foosto.Waxa kale oo maalinkasta mara ugu yaraan 60 markab oo sida badeecado kala duwan. Marinka Babel Mandeb hadii u xidhmo ayaa waxa istaagayaysa saliidii batroolka ee loo dhoofin jiray dalalka Yurub iyo alaabooyinkii batroolka laga sii samayn jiray ee dalalka Yurub u dhoofin jireen Afrika,Bariga Dhexe iyo Asiya.Inkastoo marinka Baabal Maneb oo xidhmaa u shaki la’aan u horseedi doono mashaqo dhaqaale oo caalamiya hadana waxay arintaasi ka dhalan doona bad-xidhan saamaynta ugu xun ku yeesha nolosha dadyawga ku dhaqan Afrika siiba wadamada ku yaala mandaqadda Geeska iyo Bariga Afrika sida Sudan,Koonfurta Sudan,Eritrea,Ethiopia,Djibouti,Somaliland,Somalia iyo Kenya.

Connect with us on Facebook