Latest News

Mo Saalax Oo Xanaaq Aan Looga Baran Kula Dhaqmay Laacibka Djibouti Xamaadu Ciyaartii Khamiistii

Qaahira,November 18,2023( Haatufonline) – Laacibka caanka ah ee kubadda cagta Maxamad Salaax ayaa hab-dhaqan aan looga baran lagu arkay ciyaartii Khamiistii Qaahira ku dhex martay xulka dalkiisa Masar iyo xulka wadanka Djibouti ka dib markii uu ku xanaaqay laacibka difaaca Djibouti Muuse Xamaadu oo hurdan kobadeed labadooda ku dhexmaray meel ku dhaw goolka xulka Djibouti. Siidhi Walaha ciyaarta ayaa labada laacib oo ku dhaw inay madaxa isla galaan kala dhexgalay ka dibna kala fogeeyey.

Salaax oo lagu sifeeyo ciyaaryahan akhlaaq wanaagsan garoonka gudahiisa iyo dibaddiisaba ayaa waxay dhacdaanit nnoqotay mid aad ula yaabeen taageerayasha kooxdiisa Liverpool.

Ciyaartan oo ay Masar ku badisay 6 iyo 0 ayaa ka mid hayd ciyaaraha isreebreebka qaaradda Afrika dhexdeeda ee lo9gu tartamayo ka- qaybgalka koobka Aduunka 2026 kaasoo lagu qaban doono Mexico,USA iyo Canada.
Waxa seh xusid mudan in kadib markii ay ciyaarti dhamaatay la arkayey Maxamad Salaax iyo laacibka naadiga Dikhil ee Muusa Xamaadu oo jeeniga isku salaamaya oo heshiis ah.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*