Latest News

Xuuthiyiinta Oo Kaga Dhabeeyey Hanjabaaddoodi : Waxay Afduubeen Markab Uu Leeyahay Malqabeen Reer Israel Ahi

Sanca,November 19,223(Haatufonline)- Afhayeenka Xuuthiyiinta Yaxya Al-Sariic ayaa xaqiijiyey in kooxdiisu ay Axaddi maanta gacanta ku dhigeen markab wayn oo magaciisa la yidhaahdo Glaxy Leader kaasoo marayay biyaha Badda Cas ee ku beegan dalka Yeman.
Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka ba’an ee ay Israaiiliyiintu ka wadaan Qaza,waxay Xuuthiyiintu dhawr jeer ku hanjabeen inay weerari doonaan maraakiibta laga leeyahay Israel iyo kuwa la leh xidhiidhkaba iyadoo siday sheegeen ugu hiilinayaan Falastiniyiinta Gaza.
Xuuthiyiinta ayaa maanta ku cel celiyey inay bartilmaameedsanayaan maraakiibta u sudhanyahay calanka Israel iyo kuwa aanu calankaasi sudhnayn balse la xaqiijiyo inay wax ku leeyihiin reer Israel ee lagu arko iyagoo maraya Badda Cas gaar ahaan marinka istraatiijiyad ahaan ahaan hawlbawlaha ah ee Baabal Mandeb oo tiro badan oo gaadiidka badda ahi ay maalinwalba cidhiidhi ku maraan.
Baabal Mandab ayaa ku yaala biyaha badda ee u dhaxeeya xeebta Djibouti iyo xeebta Yeman waxaana saliidda batroolka ee caydhin iyo ta la sifeeyo ee maalinkasta mara lagu qiyaasaa 6 milyan oo foosto.Waxa kale oo maalinkasta mara ugu yaraan 60 markab oo sida badeecado kala duwan. Marinka Babel Mandeb hadii u xidhmo ayaa waxa istaagayaysa saliidii batroolka ee loo dhoofin jiray dalalka Yurub iyo alaabooyinkii batroolka laga sii samayn jiray ee dalalka Yurub u dhoofin jireen Afrika,Bariga Dhexe iyo Asiya taasoo u horseedi doonta mashaqo dhaqaale oo caalamiya.

Dhinaca kale wargeyska kasoo baxa Israel ee Haaretz ayaa sheegay in markabka ay Xuuthiyiintu Badda Cas ku qabteen uu leeyahay maalqabeenka milyaadeerka ah ee reer Israel ee Abraham Rami.
Dawladda Israel ayaa sheegtay in Markabka Glaxy Leader aanay iyadu lahayn isla markaana aanay wax Israaiiliyiin ahi ku jirin shaqaalaha markabka ee tiradooda lagu sheegay 25 ka qof.
Afhayeenka Xuuthiyiinta Alsariic ayaa isagu sheegay in shaqaalaha Markabka ee la qabtay ay ka midyihiin Israaiiliyiin haysta jinsiyadaha dawlado kale.

Wariyaha arimaha dhaqaalaha ee Haatufonline oo arintan ka faaloonaya ayaa tibaaxay suurtogalnimada kor-u-kac weyn oo ku yimaadda qiimaha saliidda batroolka iyo cuntada aduunka halista soo waajahday marinka Baabal Mandeb awgeed.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*