Latest News

Xuutiyiinta Yemen Oo Laba Markab Ku Weeraray Badda Cas.

Sanca, December 3, 2023 (Haatufonline) – Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen laba markab oo ay leedahay Israel oo marayey Badda Cas.
Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta ayaa sheegay inay ku weerareen labadaasi markab diyaaradaha aan duuliyaha lahay iyo gantaalo ay ka soo rideen doon.
Afhayeenka oo labadan markab magacyadooda ku kala sheegay Unity Explorer iyo Number Nine, ayaa sheegay inay bartilmaameedsadeen ka dib markii ay diideen digniin ay u direen ciidamadooda baddu.
Shirkada Ingiriiska ee Amaanka badaha ee Ambrey ayaa sheegtay inay waxyeelo soo gaadhay maraakiibtan diyaaradaha drone-ka lagu weeraray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*