Latest News

Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Badda Cas Iyo Gacanka Cadan

Hargeysa, December 4, 2023 (Haatufonline) – War-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland isla markaan nuqul ka mid ahi soo gaadhay Haatufonline oo u dhignaa sidan:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay isha ku haysaa xiisadda amni ee ka soo cusboonaatay marinka koonfureed ee badda cas iyo gacanka cadmeed.

Weerarradii u danbeeyay ee lagu qaaday maraakiibta dagaalka iyo kuwa ganacsiga iyo suurtagalnimada in budhcadeed halkaa ka dillaado, waxa ay hoosta ka xarriiqaysaa baahida degdegga ah ee loo qabo tallaabo is-kaashi oo wax lagaga qabanayo khatartan sii kordhaysa.

Waxa kale oo aanu ka walaacsannahay baa lagu yidhi war-saxaafadeedkan saamaynta dhaqaale iyo bulsho ee ka imman karta dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah ee ku soo kordhaya badda cas, iyo suurtaglnimada ah in ay kor u kacaan qiimaha badeecdaha iyada oo ka dhalanaya kor u kac ku imman kara qiimaha caymiska maraakiibta ee gobolka.

Somaliland oo leh xeeb dhererkeedu gaadhayo 850km, oo ay xilli walba gaadh ka hayaan ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland , waxa ay qaadday tallaabooyin dardar leh oo lagaga hortagayo falalka budhcad badeedda iyo tahriibka ee ka dhici kara baddeeda. Labadii toddobaad ee ugu danbeeyay waxa aanu xoojinnay ilaalinta xeebaha Somaliland si aanu u sugno ammaanka xeebahayaga iyo nabadgelyada guud ee badaha gobolka.

Somaliland waxa ay markale carrabka ku adkaynaysa sida ay uga ga go’an tahay in ay xoojiso badqabka iyo amniga baddeheeda aagagga dhaqaale, iyada oo ilaalinaysa mabaadii’da iyo shuruucda caalamiga ah.

Waxa aanu diyaar u nahay in aanu iskaashi la samaynno saaxiibbadayada gobolka si aanu wax uga qabanno caqabadaha ay wada wajahayaan dalalka gobolku ee budhcadeednimad iyo ilaalinta amniga badda cas iyo gacanka cadmeed, ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedkan.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*