Latest News

Raysal Wasaaraha Ethiopia Oo Sheegay In Dalkiisu Aanu Ku Duuli Doonin Dalalka Jaarka Ah

Addis Ababa, October 26, 2023 (Haatufonline) – Raysal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay in Ethiopiaย  aanay qorshaysaninย  inay xoog ku gaadho danaheeda, isla markaanaย  aanay ku duuli doonin dal ay jaar yihiin.
Hadalkan Raysan Wasaaraha Ethiopia ayaa yimid kaddib markii uu dhawaan sheegay in baahi loo qabo in dalkiisa uu yeesho marin-badeed, taas oo dalalka jaarka la ah uu galiyey hadal hayn badan.
Raysal Wasaare Abiy Axmed oo maanta shacabka dalkiisa kula hadlayay fagaare ku yaalla caasimadda Addis Ababa, oo lagu xusayay maalinta ciidammada ee Khamiista, ayaa Mr Abiy uu sheegay in Itoobiya โ€œaanay weligeed ku duuli dooninโ€ dal kasta.
“Ciidankayagu weligood weerar ma qaadin, hadda cidna weerari mayno,” ayuu yidhi.
โ€œWaxaa laga cabsi qabaa in duulaan uu dhaco markii Itoobiya ay dhawaan carabka ku dhufatay baahida loo qabo in laga wada hadlo arrimaha qaarโ€ฆ Waxaan jeclaan lahaa inaan si adag idiin caddeeyo inaanan kicin doonin walaalaheen si aan xoog ugu helno baahideena,โ€ ayuu Ra’iisul Wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*