Latest News

Wefti Ka Socda Xamaas Oo Safar Ku Tagay Moscow

Moscow, October 26, 2023 (Haatufonline) – Wefti ka socota kooxda Falastiniyiinta ee Xamaas ayaa gaardhay magaalada Moscow e caasimada dalka Ruushka si ay wadahadallo ula yeeshaan, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka. “Waxaan xaqiijin karaa in wakiilo ka socda dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee Xamaas ay booqanayaan Moscow,” af hayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Maria Zakharova ayaa tidhi, waxaanay intaasi raacisay
Wafdiga Xamaas ayaa lagu soo waramayaa in uu hogaaminayo Mousa Mohammed Abu Marzook oo ah xubin sare oo ka tirsan ururka Xamaas, oo reer galbeedku u arkaan mid argagixiso.
Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Ruushka Mikhail Boganov ayaa isna sheegay horraantii Khamiista in hogaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabaas uu qarka u saaran yahay inuu u safro magaalada Moscow si uu wadahadal ula yeesho madaxweyne Vladimir Putin “dhakhso”.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*