Latest News

300 Qori Diirad Leh,50 BKM,1600 Sanduuq Rasaas Ah,Tuute Iyo Kabo Xamse Barre U Dirayey Huwanta Oo Maanta Lagu Qabtay Madaarka Xamar

Muqdisho,October 8,2023(Haatufonline) – Hub iyo saanad oo raiisal wasaaraha Somalia Xamse Barre u dirayey Huwantii uu dagaalku ku dhexmaray ciidamada Somailand magaalada Laascaanood oo ka koobnaa 300 qori oo ah nooca diiradda leh ee Turkiga lagu sameeyo,50 qori oo BKM ah ,1600 sanduuq oo rasaas kala duwan ah,40 kartoon oo tuute ah iyo 40 kartoon oo kabo ah ayaa maanta galinkii hore lagu qabtay madaarka Muqdisho iyadoo lasaari lahaa diyaarad usoo kicitimaysay magaalada Buhoodle ee ku taala xadka ay Somaliland la leedahay dalka Itoobiya.
Siday noo sheegeen dad kala duwan oo goobjoog ahaa waxa baabuurkii hubku saarna isku xeeray oo markiiba kaxaystay ciidan hubaysan oo ka socday laamaha ammaanka ee Somalia .

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*