Latest News

Abiy Ahmed Oo Sheegay In Dhaxal Sugaha Sucuudiga Ay Ka Wadahadleen Arimo Ku Saabsan Gobolka

Riyad, November 10, 2023 (Haatufonline) Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa sheegay inuu kulan la yeeshay Maxamed Bin Salman, dhaxal sugaha Sucuudiga ay kaga wada hadleen arimo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo gobolka.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo Boqorka Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan Bin Cabdulcasiis oo aanu yeelanay kulan laba geesood ah galabta oo aanu kaga wada hadalnay arrimaha labada dal iyo ta gobolka oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib u habeynta dhaqaalaha Itoobiya iyo sidoo kale doorka Itoobiya ee gobolka.
Labadayada dal waxay leeyihiin dano istiraatijiyadeed oo badan oo ay iska kaashadaan, si taas loo gaadho waxaanu isla garanay isfaham lagu dhisayo guddi heer wasiir ah oo isku dhaf ah; Taageerada Sucuudiga ee dib-u-habaynta dhaqaale ee Itoobiya iyada oo loo marayo dib-u-qaabaynta deynta; iskaashiga tamarta iyo horumarinta maaliyadda iyo maalgashiga.” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha Ethiopia.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*