Latest News

Huwanta Oo 2 Sarkaal Oo Majeerteen Ah Iska Dilay Iyo Takniku Ay Kala Boobeen

Yagoori,November19,2023(Haatufonline) -Maleeshiyada Majeerteenka ayaa Salaasadii lasoo dhaafay tuulada Yagoori xoog kaga qaaday maleeshiyada Dhulbahantaha 11 gaadiid cusub oo todobaadkii hore qoryo la saaray.

Gaadiidka la dhacay ayaa waxa uu ka mid ahaa 17 baabuur oo dhawaan Huwanta looga soo dajiyey Bosaaso. Hasa yeeshee kadib markii gaadiikaasi qoryihii la saaray ayaa taliyaha maleeshiyada Laascaanood Firdhiye waxa uu ku taliyey in aan wax laga siinin maleeshiyada Majeerteenka balse la geeyo Yagoori taasoo ay Majeerteenku ka cadhooden waxaana dhacdadaasi ku dhintay 2 sarkaal oo Cumar Maxamuud ah oo Dhulbahantuhu dileen.

Connect with us on Facebook

Leave a comment

Your email address will not be published.


*